Wasiiraddii Shaqowanaaga Iyo Waxqabadka Wasiir Hinda Jaamac Gaani

0
Monday July 08, 2019 - 08:49:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiraddii Shaqowanaaga Iyo Waxqabadka Wasiir Hinda Jaamac Gaani

    Wasiirka Wasaaradda shaqo galinta, Arrimaha Bulshadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda shaqo galinta, Arrimaha Bulshadda
iyo Qoyska oo aannu saaka booqanay waxay nagu soo dhaweysay Gacmo furan iyo Qalbi wanaagsan oo laga dheehan karo qofnimadeeda iyo shaqo wanaageedaba. Runtii intii aannu ku jirnay  xafiiskeeda waxaannu ka guddoonay kalmado dhiirrigalin noo ahaa oo qarankan iyo wasaaraddaba dan u ahaa, Wasiir Hinda Jaamac Gaani waa wasiirad shaqadeeda ku adag, oo saacadkasta Heegan ugu jirta danta qaranka iyo danta Wasaaradda ay Hoggaanka u haysaba.


Waxaannad ka dareemaysaa siday uga go'an tahay hirgalinta hawlaha shaqo ee qorshaha u ah wasaaradda, wasiir Hindi waxay si saafi ah kuugu qancinaysaa Hawlaha shaqo ee aad u socotid iyadoo adeegsanaysa Hadalo Haldoor nimo leh , oo ay tudhaale iyo lexejeclaba ku gedaaman tahay.  Wasiir Hindi waa wasiir ku suntan shaqo wanaag, daacadnimo, Sinaan bulsho iyo  karti ay dheer tahay Rag iyo Dumarba, waa haldoorad qarankan Kaalin mug leh kaga jirta si geesinimo lehna u jecel qarankeeda. Waxaanna ka go'an innay heer gaadhsiiso qarankeeda iyo bulshada kala duwan ee ay u adeegto. Waxaan u rajeynayaa wasiiradda in Alle ku asturo Shaqada ay Qaranka u hayso noqotana iftiin soo jiita caalamka  Horumarka iyo Horusocodka jecel,  anaguna waxaannu kuu ballanqaadaynaa la shaqayn iyo garabgalba.    Guulleyso Wasiir. 

Waxa Qoray Rakad Mxd Sultan.  Berbera
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...