Akhriska indhoolayaasha!

0
Sunday February 04, 2024 - 10:42:58 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriska indhoolayaasha!

    Qaabka ay indhoolayaashu wax u akhriyaan!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaabka ay indhoolayaashu wax u akhriyaan!


Sidan hubo madashani waa madal dadka ku jiraa ay yihiin dad indha qaba, marka laga reebo aniga oo ah qofka qoraya dhanbaalkan, misna ah indhoole, micnaha qof aragga naafo ka ah, sababta aan u qorayaana waa in aan dhiirri galiyo dareensiiyona qofka in uunka caajisaya akhriska iyo qoraalka siiba akhriska, maxaayeelay sidee ayay suura-Gal u tahay adiga oo indha qaba, in aadan waxba akhriyin, sidee? Qaabkee? Goorma? waa wax sina aan garaadka u gali karin in qof indha qabaa uu akhrin waayo dhiganayaasha toolmoon, ee tan iyo sule, tan iyo waayo hore, tan iyo waayadii uu Aadanuhu bilaabay kaydinta cilmiga in uu kaydiyo uu kaydiyay, misna aqoon dhankasta ahi ay dhex ceegaagto.



Qaabka ay indhoolayaashu wax u akhriyaan!


Qofka aragga naafada ka ah, in uu wax akhiryaa uma sahlana sida ay u sahlantahay in qof arag qabaa uu u akhriyo, dhiganayaasha afafka tirabeelka ah ku qoran. Qaabka uu wax u akhriyo qofka aragga naafada ka ahi, waa in uu adeegsado, far lugu magacaabo Braille, oo rubucii u horreeyay illaa iyo badhtamaha qarnigii sagaal iyo tobnaad uu allifay nin Faransiis ah, oo lugu magacaabo Louis Braille, oo 1852-Gii ku geeriyooday dalka Faransiiska, waana far qofka aragga naafada ka ahi uu ku akhriyayo farihiisa, micnaha gacanta ayuu adeegsanayaa, waana far u samaysan hab buurbuur ah, oo qofku uu gacanta ku dareemi karo. Waligaa ma iswaydiisay, nimcada indhaha, aad awoodid in aad habeen iyo maalin wax ku akhrisan karto? Adduunka dhankiisa kale, magaaladaada dhankeeda kale, isla dalkaaga, laga yaabo gurigaaga, uu jiro qof gacmaha wax ku akhrisanaya? Cajiib! Waa mar aad gaadhi laadahay, iyo mar aad garan laadahay! Qaabka labaad ee indhoole uu wax ku akhrisan karaa, waa in uu adeegsado, computer-Ka, isaga oo ku isticmaalaya Computer-Ka, programs-Ka loo yaqaanno Screen readers, oo ah barnaamishyo cod u badalaya waxkasta oo ku qoran shaashadda Computer[Ka, iyo talefoonkaba, waana isla barnaamishka aan hadda dartii ku isticmaalayo Laptop-Kaygan.


Ugu danbayn, maaha cilmi iyo aqoon in aan idiin sheegayo saaxiibayaal, waa in midkeenba midka kale ku dhiirri galinayo, in aynnu noqonno duulka aqoonta, fakarka, wax ka badalka dhulkeenna iyo dalkeenna, umaddeenna iyo maankeenna.


Waad mahadsantihiin jaalleyaal.


With Q, Subeer Andalus.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...