Distoorku Waa La Jiifi-Yaana Banaan,La Jooji-Yaana Banaan ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday February 03, 2024 - 11:22:02 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Distoorku Waa La Jiifi-Yaana Banaan,La Jooji-Yaana Banaan ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Allahaw Aduun-Yadda Iyo Maxaa Aadmi Kala Haysta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Allahaw Aduun-Yadda Iyo Maxaa Aadmi Kala Haysta.



Ummad yahay waad la socotaan waxa uu askariga " Raggii Ma adigaa ka hadhay, Saleebaan Yuhuudi, Geen Shaaximan Iyo Kooxdda ay tijyaan ay ka wadaan dalkii, sidda la isugu direy, baddii loo iibiyey, Gobolo dhami u tageen, Awdal iyo Salal iyana ay hadda mareen dhabadddii Sool iyo Sanaag Bari, intii soo hadhay-na ay is-cunsiiyeen, bal jadaba waxa aynu eeganayno yaa ii sheegaaya.Nin baa laga hayaa " Allahayaw Aduun-yadda Iyo Maxaa Aadmi Kala Haysta, Af Dhabaan Been sheega, Iyo Midkii Eebbe Ka cabsoodda, Dulmi ruux adeeg-saday, Iyo Xaqa kii Ku Eedaama, Runta Kii Aasayiyo, Kii been Abaabulaya, Edeb Ruux Lahaa Iyo" Midaan Soo Ag Marin Diinta, Tuuggii Ilaahay Niciyo, Kii Salaaddii Adimay Waaga, Ifka Ruux nabad ka taliyo, Kii Colaad U Ololeeyey, Kii agoonta Dhaca Iyo Kii asxaan U tliya-ba, Oromaanu Noqonoo, Ab-tirsiimo Aan Nahay, Dad qofkii Aqbalayaw, Adigiyo Nasiibkaa, irir iyo Wixii gala, Askarigaa Ka kaw ahe, ku Abaadda cayn-kaas ". Akhristaw sharciggii iyo distoorkii inoo yaalay, waa su'aale xagee buu ku dambeeyey?



 

Jawaabtu waxa weeye sidda uu cinwaanku inoo qeexaayo ee ah " Distoorku Waa La Jiifi-Yaana Banaan La Jooji-Yaana Banaan" Taas oo micna-heeds Yahay, kolba sidaan doono baan u dhigayaa, oo aniga baa mididda daab-keedda haya, waxan doono ka yeelaaya ama diidaaya, markaasu Askarigu ku raad gadanayaa sharci baan ilaalinaya. Sharcigu wuxu leeyahay, marka Wakiiladu oo xeer dejinta u xil saarani, ay sameeyaan xeer, waxay u gudbinayaan, Maqaaxidda Saleebaan Yuhuudi ( Waa waxa aad Guurtidda ku sheeg-taane), kuwaasi haddii ay wax ka bedelaan, dib bay ugu soo celinayaan Golaha Wakiiladda, markay ansixiyaan bay toos ugu dirayaan Askariga ka amar-ku-taagleeya Guriggii Moorgan ee loo Yaqaan " Xaafad-Tooyadda" Markay sidaas tahay, waa in uu Askariga cuqdadu dilootay iyo reer hebel la colawgu uu ku soo saxeexaa 21 gudahood, xeer-kuna uu sidaas ku dhaqan galaa, sidda distoorku dhigaayo.


 

Marka uu sidaas jiday-naayo Distoorku, su'aashu waxay tahay dariiqaas ma la mariyey saxa ah mise jar baa uu ka xooray askarigu arimaha imika taagan? Jawaabtu waa maya, ee dhabo geeri-go'an ah baa reerka la dhex furayaa. Sidee Bay u dhacdaa, in xeerkii ay isaga dambeeyeen Golaha Wakiiladda iyo maqaaxidda Saleebaan Yuhuudi, ee codka aqlabiyadda ah ku meel mariyeen, ee toos loogu direy Askariga (Siddii saxa ahayd) in uu 21cisho in uu ku soo saxeexo, haddii kale uu cayn-kaas ku dhaqan galo, miyey sharci tahay in uu askarigu dib ugu celiyo soo " Maqaaxidda S/Yihuudi" Waa sharci iyo Distoor jebin badheedh ah iyo ila meeraysowakhti halayn ah. Maxaa keenay xeer jajab iyo heshiis beenaad ah? Waxaas oo dhan waxa wadda oo askariga ka sii xun Kan asaasaqa ah ee Sleebaan Yuhuudi Cuqdad iyo beel nacay isagoo dadaas ah ay xubin walba googooysay. Ma jiraan wax lagu heshiis yahay, sidda ay inoo sheegayaan, ee ay ka shaaciyeen war-baahinta, waa ina wax kama jiraan, aakhrika askariga markay ku soo noqoto, mar kale buu Wakiiladda dib ugu soo celinayaa, oo odhan doonaa wax baa khalad, waayo siduu rabay bay noqon wayday, ee wax kaldani ma jiraan, ee cimri dherer buu ka dhiganayaa, mana ogola in uu kursiga nabad kaga dego, waa kadaab aan Alle iyo Nebi mid-na aan aqoon, waxa la yidhi " Kaadi badane waa loo gogol badiyaaye" Wayse iman, mana dheera goorta lala cada-cadaysan doonaa, ee xabad futadda laga gelin doonaa, ee ha sugi waayina ma Foga ayaanta ay dushiisa ka qiiq rasaastu, bal ciddii wax ku qabtay-ba ha ku weydo'e.


* N.B Allahaw Aduun-Yadda Iyo Maxaa Aadmi Kala Haysta.

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...