Waxaa halkan ku diyaarsan 29 oraah oo aan rajaynayo inay waxtar leeyihiin.

0
Thursday February 01, 2024 - 11:45:15 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 740
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaa halkan ku diyaarsan 29 oraah oo aan rajaynayo inay waxtar leeyihiin.

    Saddex ganacsi laguma qasaaro:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddex ganacsi laguma qasaaro:



1: Shakhsiga badiya dooda micro darada ah saaxiibadiisa ayaa yaraada.


2: Ka yeel noloshaada mid nidaamsan,hakuu cadaadaan hadafyada aad nolosha ka leedahay mid dhaw iyo mid fog labaduba,taas lidkeeda iska ilaali in noloshaadu isku dhexyaacdo oo jihooyinku kaa lumaan.



3: Baro diintaada da'kasta oo aad jirto marnaba ha oran waan dhaafay da'dii aan diinta baran lahaa waxaa jira dad 50 jiro ku bilaabay barashada diinta qorayna kitaabo ilaa hadda lagu intifaaco.


4: Noqo ruux af gaaban oo hadaliisu aysan gacantiisa dhaafin hana raacraacin dadka kale hadaladooda.

5: Iska indhotir waxyaabo badan oo hareeragaaga ka dhacaya maxaa yeelay daawadaada ayaa ku jirta.


6: xitaa haddii aanad shakhsi wanaagsan ahayn Iska baadhbaadh dhaqamada dadka wanaagsan shakhsiyaadka wanaagsan ayaynu kugu tirinaynaa;sababtoo ah innagu waxyaabaha muuqda ayaynu xukminaynaa waxyaabaha qarsooma Rabbi (SWT) ayaynu u dhaafaynaa.


7: Saaxiibkaaga ugu wanaagsan ka dhigo Qur'aanka kariim ah saaxiib ka wanaagsan heli maysid'e.

8: oraah gabdhaha u qaas ah-:


Day abaayo cuntada dhawr qof haddii ay cusbo/milix ku daraan xaraar ayay noqonaysaa adiguna haddii aad wiil kasta u dhoolo cadayso ama aad u qososho marax ayaad noqonaysaa,sidaas darteed dhawrso intii karaankaaga ah.


9: Bulshada aad ku dhex nooshahay dhalinyada iyo caruurta danayn gaar ah iyo daryeel u fidi maxaa yeelay iyaga ayaad ubaxsan doontaa 20-30 sanno ka dib markii aad garab u baahato.

10: Oraah wiilasha u gaar ah-;


Wiilloow fidnada ugu badan ee sannadkaan waxay ka curanaysaa dhanka dumarka ee ninyahay ka dhawrso oo ka dheeroow dumarka inta karaankaaga ah inta dumarku kuu jiraan ayay fidnadu kuu jirtaa'e.


11: Ka dheeroow doodaha aan aqoonta ku dhisnayn muhiim maahan fikradaada in dadka oo idil ay aqbalaan.

12: Weligaa shakhsina ha quursan hana yasin maxaa yeelay qof kasta illaahay waxa uu siiyay hibo u gaar ah waxaana macquul ah qofka aad yaraysanayso inuu kaa wax qabad bato.


13: Iska ilaali tijaabinta caado aad mustaqbalka ka shalaayi doonto caado kasta oo xun ama wanaagsan waxay ka bilaabataa tijaabin.


14: Noqo shakhsi ummada wax tar u leh ama qof shartiisa laga nabad galo.

15: Ogow dadka oo idil Rabbi wuu karaameeyay haddii aad aqoon yeelatana waxaad ku darsan doontaa ixtiraam.


16: Ha iska gadin dadka;cilladoo ah qof kasta agtiisa qiimo kama lihid kaaga daran'e waxaaba jira dad aanad u xisaabsanayn marka suuqa ha is gaynin.


17: Haka sheekayn buugaagta aad akhrisay'e ka sheekee aqoonta aad ka faa'iiday.

18: Aqoon horteed aadaab baro.


19: Nasabkaaga markii laga yimaado qof kale kalsooni buuxda ha siinin.

20: si dagan kaga warceli waydiintaan:


Casharo noocee ah ayaadnolosha ka baratay?

21: Ka faa'idayso barakada kallahada oo xaseexan salaada subax ka dib.


22: Unaxariiso dumarka iyo caruurta oo hadal jilicsan ku dheh gacantana haku adkaynin.

23: Wanaaji hadalkaaga iyo ficilkaaga Illaahay haku wanaajiyo aduun iyo aakhiraba'e.

24: U mahad celi dadka.


25: marnaba ha eedayn dalkaaga wax kasta oo uu yahayba adigu ayuu kuu yahay.

26: Illaahay usoo laabo inta aad laf yartahay laga yaabe inaysan da' kale kuu harin'e.

27: Qofka hantida leh kolka uu maalkiisa ku faano adiguna cilmigaaga ku faan.


28: Saddex ganacsi laguma qasaaro:

•Qur'aan akhris.

•Salaad.

• Sadaqada.


29: Qabrigu waa hoygaaga saxda ah laakiin saaxiibadaadu kulama joogayaan.


W/Q Ahmed Qasaali

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...