Sharciga Maxaa Loo Sameystay ? In La Fuliyo . Cali Biixi )

0
Thursday February 01, 2024 - 11:39:55 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sharciga Maxaa Loo Sameystay ? In La Fuliyo . Cali Biixi )

    Faa'iido Uguma Jirto Bulshada , Sharcina Maaha .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faa'iido Uguma Jirto Bulshada , Sharcina Maaha .


 

 

Macalinkii Dhigaayay Maadada Qaanuunka Ayaa Soo Galay Dugsigii (Kalaskii) Uu Muxaadarada Ka Jeedinaayay.


 

*Arday Ayuu Ku Yidhi : Magacaa?

*Ardaygii Ayaa Magaciisii Sheegay .

*Macalinkii (Bax) Ayuu

Ardaygii Ku. Yidhi .



*Ardaygii : Waayo Maxaan Sameeyay?

*Macalinkii Hadana (Bax) Ayuu Ku Yidhi .


*Ardaygii Waxa Uu Tijaabiyay , In Uu Isdifaaco , Laakiin Macalinkii , Waxa Uu Ku Adkaystay, In Uu Ardaygii Ka Eryo Muxaadaradii.


*Ardaygii Wuu Iska Baxay , Isaga Oo Dulmi U Arka Waxa Uu Sameeyay Macalinku .

 

Ardaydii Kale Oo Dhammi Way Iska Aamusnaayeen ,Oo Arday Qudha Oo Ka Hadlay Ma Jirin .

 

Waxa Uu Bilaabay Macalinkii In Uu Deriskii Ardaydii U Bilaabo , Oo Waydiiyo Wax .

 

Waxa Uu Waydiiyay: *Maxaa Sharciga Loo Sameeyay? Oo Maxaynu Sharciga U Dhiganay ?

*Arday Ayaa Ku Jawaabta: In Bulshada Lagu Ilaaliyo .


*Arday Kale Ayaa Ku Jawaabay : In Dadka Lagu Maamulo .

*Arday Kale Ayaa Ku Jawaabay : In Aan Dadku Isu Xoog Sheegan. Oo Ka Xooga Weyni ,

U Xoog Sheegan KaLiita.


* Macalinkii Ayaa Yidhi: Waxaas Oo Dhammi Waa Sax , Laakiin

*Ardayad Ayaa Tidhi Hadana : In Bulshadu Cadaalad Wada Hesho .

* Macalinkii Ayaa Yidhi: Waa Taas Jawaabta Saxa Ahi.

Waa Taas .


 

*Macalinkii Ayaa Waydiiyay Ardaydii Hadana ;

Waa Maxay Faa'iidada Laga Heleyaa Cadaaladda?

*Arday Ayaa Ku Jawaabay : In Qof Kastaa Xuquuqdiisa Helo , Oo Aan La Dulmiyin .

 

Macalinkii Hadaba Iminka Ayaan Idiin Jawaabayaa , Aniga Oo Aan Werwer Ka Qabin , In Aad Wada Fahanteen Dersigii Maanta .


 

*Markaasaa Macalinkii Waydiiyay Ardaydii:

Hadaba

Miyaan Dulmiyay Ardaygii Saaxiibkiin Ahaa

Markii Aan Eryey Ee Aan (Safka) Ka Eryay?

*Waxay Ku Wada Hawaabeen

Mar Qudha : *Haa .


 

Markaasaa Macalinkii Oo Cadhaysani Ku Yidhi:

* Maxaad U Wada Aamusteen Kuligiin , Ee Aad Wax U Odhan Waydeen ,?

Ee Wax U Samayn Waydeen Markii Aan Dulmiga Ku Sameynaayay Saaxiibkiin?


 

Muxuu Sharcigu Tarayaa ,

Hadii Aynaan Fulin Karayn , Oo Aynaan Ku Dhacayn

In Aynu Fulino,

Hadii Aad Ka Aamustaan.


 

Marka Qof Dulmi Ku Dhacaayo , Ee Dulmi Lagula Kacaayo,

Ee Aad Difaaci Kari Waydaan ?

Waxaad Waayaysaan Dadnimadiinii ,


Dadnimadu Iyo Xaqqu Gorgortan Iyo Wada Hadal Ma Galaan .

 

Kadibna Macalinkii

Inta Uu Ardaygii Uu Eryay U Yeedhay ,

Ayuu Raali Geliyay Ardaydii Oo Dhan Hortoodii .


Oo Ku Yidh ,

* Waa Kaa Deriskiinii Maanta , Oo Waa Inaad Bulshadiina Iyo Dadkiina Aad Wada Ilaalisaan Oo Sharciga Fulisaan , Oo Aydaan Dulmiga Ogolaan .

 

Hadaba Sharcigu Faa'iido Ma Laha ,


Hadii Aan La Fulin , Oo Dulmiga Dadku Diidin , Iyo Sharci Jebinta .

 

Sharcigu Waa In Uu Fulaa , Oo Cadaaladu Iyo Sharcigu Cid Kasta Ka Sareysaa , Oo Uu Qabtaa .

 

M.Biixi Iyo Xukuumadiisu Waa In Ay Sharciga Fulisaa ,


Hadii Kalena , Waa Inay Bulshadu Iska Qabataa , Oo Aanay U Aamusin.

 

Xuquuqdaada Waa Loo Halgamaa .


Dulmiga Inaad Ogolaato. Ama Ka Aamusto (Maaha).

Hadii Kale Oo Aan Sharciga La Fulin,

Faa'iido Uguma Jirto Bulshada , Sharcina Maaha .

 

 

Cali Biixi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...