Markaad dhameyso aqriska fikirkaaga kadhiibo sida aad u aragto talada qoraagu uu siiyey dhibanaha qisada kudhacday.

0
Thursday February 01, 2024 - 11:28:13 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markaad dhameyso aqriska fikirkaaga kadhiibo sida aad u aragto talada qoraagu uu siiyey dhibanaha qisada kudhacday.

    Waxaan ka war helay natiijada imtixaanka inuu kudhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan ka war helay natiijada imtixaanka inuu kudhacay


Buugga "55 Mushkilado jacayl ah" ee uu qoray Dr. Musdafa Maxmuud, mid kamid ah qisooyinka kuxusan dhiganahaas ee kuqoran cutubka 12aad uu ciwaankiisu yahay, CUQDADA SARA MARKA, ayaa udhaceysa sida tan:


"Xidhiidh jacayl ayaa muddo naga dhexeeyey had iyo goor waxa aan ka faalloon jirnay himilooyinkeenna iyo mustaqbalka bilicsan ee na sugaya, waxa aan wacad meel kuwada dhigannay judha aan jaamacada ka qalinjabinno in aan yagleelno qoys udugiisu uu raago, balse waxaa soo kordhay kedis aanan talada ku darsan oo sabab ka danbaysaa aanay jirin. Natiijadii imtixaanka kolkii lagu dhawaaqay kadib ayaan mar keliya waayey meel uu jaan iyo cidhib dhigay.



Waxaan ka war helay natiijada imtixaanka inuu kudhacay, aniguna aan ku baasay balse waxa aan garan waayey xidhiidhka ka dhexeeyey natiijada imtixaanka uu keenay iyo ka siibashada kadiska ah ee uu nolosheyda ka siibtay!.


Imtixaanku waa nasiib dhicitaanka uu ku dhacayna wax isaga ceeb ku ah ama aniga icadhageliyaa kuma sugna, xaalad kasta oo lasoo gudboonaatana jacaylka aan uqabo waxba ka doorinmayso. Maarkaa talow," Muxuu yahay gefka uu kalgacaylkayagu galabsaday?!


Bilo badan aan kadeed mutay kadib ayan uqoray dhambaal aan uga codsanayo inuu iisoo laabto, wuu iga aqbalay oo waannu kulannay balse sidaan ku aqaanay ama aan uga bartay ma uu ahayn, imtixaanno hor leh ayuu kudhacay, mar kasta oo uu dhacana sidii hore si lamid ah ayuu iiga weji qarsan jiray, hadda waxa aan isku diyaarinayaa imtixaankii u danbeeyey ee qalinjabinta halka isaga uu weli sannadkii koowaad uu wado, bilo kadib dhaqtarad ayaan noqonayaa waxa aan awood u yeelanayaa dhaqaale aan ku garab istaago, qarashka guurkayagana aan ku daboolo, waxkasta oo uu ku suganyahay iyo xaalad kasta uu kujiraba aniga ayaa jecel. ila tali qaabkee jacaylkiisa aan kusoo ceshan karaa?


Jawaabta qoraaga iyo xalka uu siiyey:

"Hadii ninkaa wanaag aad la doonayso faraha ka qaad oo dhibi ha ugu filnaato intaad u geysatay, caqliga ninku qaabka uu u shaqeeyo fahankiisa ayaa war kuugu laaban'e, Annaga hadii aanu rag nahay, dhaqanka ah dumarka in aannu ka sarrayno waaqica ayaannu ka dhaxalnay.


Dhicitaanka soo noqnoqonayey ee saaxiibkaa uu dhacayey iyo guusha joogtada ah ee mar walba aad lasoo hoyaneysay waa arin aad u qadhaadh oo kadeedkiisa aadan suuraysan karin, sababta oo ah nin ayaadan ahayn.


Wan kaxumahay xidhiidhkiinnu xal malaha wakhtiga iyo sooyaalka ayaana kaa hiiliyey!.", sidaas ayuu kula taliyey qoraagu(AUN).


Ragoow idinkaa niska keeyn yaqaane ma runbaa oo ma aad beey u qaraartahay qofka xiriirka kaala dhexeeyo guushiisa/ haduu kaa saramaro?

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...