Islaamka Iyo Isticmaalka Caqliga.

0
Thursday February 01, 2024 - 11:22:57 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Islaamka Iyo Isticmaalka Caqliga.

    Kolka intaa laga soo tago wax is weydiin ogaalka...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kolka intaa laga soo tago wax is weydiin ogaalka...



Ceebta jirkaada waxaa asturi kara laba ama saddex mitir oo Maro ah,laakiin ceebta Caqligaada waxaa muujin kara hal su’aal oo uu ku weydiiyo Qof xog-ogaal ah oo wax kaa weydiiya Curis aad ka caagan tahay,ee cibro qaado oo camir Caqligaada intaan ceebtiisa loo tagin.


Waxyaabaha Caqliga lagu camiro waxaa ugu horeeya Cilmiga iyo ogaalka oo lagu kabay fikirka iyo aragti dheerida ay la socoto ruugidda ra’yiga iyo rogtogidda umuuraha inta aadan ku hawl galin ka hor.



Kolka intaa laga soo tago wax is weydiin ogaalka iyo maciinsashada midka aad ogtahay inuu kaaga macluumaad badan yahay meesha aad markaa doonayso inaad maaro oga hesho waxa maankaaga ka guuxaya iyana waa mitaal sare oo muuneeya caqliga.


Dowrka caqliga oo la dayacaa waa daano weyn iyo dulmi laga galayo insaanka iyo daadihinta noloshan loo igmaday inta dunida guudkeeda la saaran yahay.


Diinta Islaamka oo ah diintii ugu dambeysay diimaha Samada laga keenay waxay dadka u darabtay inay mar kasta dul joogaan daliilka Caqliga oo uu hagayo daliilka hadyiga xagga Allaha daa’imka ah ka yimid.

Ilaahay wuxuu yiri:-

"فَاعْتَبِرُوا يَا أُولِي الْأَبْصَارِ "

"Waansama oo garashada rogroga oo wax ku qaata waayaha kuwan Caqli ay wax ku fahmaan la siiyayow”.

Wuxuu kale oo Alle yiri:-


أَفَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَتَكُونَ لَهُمْ قُلُوبٌ يَعْقِلُونَ بِهَا أَوْ آذَانٌ يَسْمَعُونَ بِهَا ۖ فَإِنَّهَا لَا تَعْمَى الْأَبْصَارُ وَلَٰكِن تَعْمَى الْقُلُوبُ الَّتِي فِي الصُّدُورِ (46)


"War Miyeysan Dhulka kusocon oo ayan lahayn qalbiyaal ay wax ku gartaan ama dhago ay wax ku maqlaan'dhabtu waxay tahay duulku ma indho beelin ee waxay beeleen caqliga laabta ugu jira".


In kasta oo uu Cilmiga Aadanuhu wali go’aan kama dambeys ah ka gaarin halka uu Caqliga jirka Bani Aadamka kaga jiro misana waxay in muddo ah u joogtaa inay maskaxdu tahay barta garashada ee uu Caqliga dagan yahay,Quraankuse wuxuu sheegay inuu Caqligu ku jiro laabta Aadanaha sida Aayadda sare ku cad,sidoo kale wuxuu Quraanku sheegay mar kale in Maskaxda qudheedu muhiim u tahay garashada oo haddii uu dhaawac gaaro ay burburayso.


"بَلْ نَقْذِفُ بِالْحَقِّ عَلَى الْبَاطِلِ فَيَدْمَغُهُ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٌ ۚ.."

"Xaqa ayaan baadilka ku ganeynaa kolkaas ayuu Maskaxda ka abaarayaa oo uu burburinayaa”.


Halkanna waxaa ku cad in Quraanku uu sheegay in Maskaxdu tahay bar muhiim u ah fulinta caqliga iyo garashadiisaba oo haddii ay wax gaaraan uu burburayo insaanka iyo ogaalkiisaba.


Waxana dhici karta in uu Caqliga labada meelba saameyn ku leeyahay,ilaah baase xaqiiqda garan.

Almuhim iminka ujeedadeenu waa baraarujinta Caqliga iyo sida uu muhiimka ugu yahay jiritaanka Aadanaha.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-


وعن أبي ثعلبة الخشني رضي الله عنه قال : قَالَ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ (الْبِرُّ مَا سَكَنَتْ إِلَيْهِ النَّفْسُ وَاطْمَأَنَّ إِلَيْهِ الْقَلْبُ ، وَالْإِثْمُ مَا لَمْ تَسْكُنْ إِلَيْهِ النَّفْسُ وَلَمْ يَطْمَئِنَّ إِلَيْهِ

الْقَلْبُ ، وَإِنْ أَفْتَاكَ الْمُفْتُونَ) رواه أحمد

(29/278-279)


"Wanaagu waa waxa ay Nafta ku xasilo Qalbiguna ku dago,dambiguna waa waxa aysan Naftuna ku dagi karin Qalbiguna ku xasili Karin. Haday doonaan kuwa fatwada bixiya haba kuu fadwoodeene".

Rasuulka scw wuxuu kol kale yiri:-


عن وابصة بن معبد رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال له : (جِئْتَ تَسْأَلُنِي عَنْ الْبِرِّ وَالْإِثْمِ فَقَالَ نَعَمْ فَجَمَعَ أَنَامِلَهُ فَجَعَلَ يَنْكُتُ بِهِنَّ فِي صَدْرِي وَيَقُولُ يَا وَابِصَةُ اسْتَفْتِ قَلْبَكَ وَاسْتَفْتِ نَفْسَكَ ثَلَاثَ مَرَّاتٍ الْبِرُّ مَا اطْمَأَنَّتْ إِلَيْهِ النَّفْسُ وَالْإِثْمُ مَا حَاكَ فِي النَّفْسِ وَتَرَدَّدَ فِي الصَّدْرِ وَإِنْ أَفْتَاكَ النَّاسُ وَأَفْتَوْكَ) رواه الإمام أحمد (17545) . وحسنه الألباني لغيره في "صحيح الترغيب" (1734) .


"Waabisa Binu Macbad wuxuu yiri Nabiga ayaan u imid markaasuu igu yiri:/Waabisow ma waxaad u timid in aad wax iga weydiiso Wanaaga iyo Dambiyada,markaasaan iri Haa,markaa ayuu inta Farahiisa aruuriyay ku kala bixiyay Xabadkayga isaga oo leh Waabisoow Qalbigaada weydii oo Naftaada weydii,-Seddex goor ayuu sidaa yiri-Wanaagu waa waxa ay Naftu ku xasisho,Dambiguna waa waxa Nafta ku dhaga oo ay Laabtuna la laba-labayso,haday Doonaan Dadka wax Fadwooda haba kuu Fadwoodeene”.


Kalmadda Caqli iyo waxa ka farcama waxaa Quraanka lagu sheegay ilaa 49 goor iyadoon lagu darin kalimaadka micno ahaan u cabiraya Caqliga iyo shaqadiisa ,taasna waxay daliil adag u tahay booska iyo makaanada uu Caqligu ka joogo Rabbi agtii.


Haddaan qaybo yar ka tilmaano aayadahaasna waxaa ka mid ah.


"كَذَلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ لَكُمْ آيَاتِهِ لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ ....إِنَّا أَنْزَلْنَاهُ قُرْآنًا عَرَبِيًّا لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ...وَمَا يَعْقِلُهَا إِلَّا الْعَالِمُونَ ....لَوْ كُنَّا نَسْمَعُ أَوْ نَعْقِلُ .....مِنْ بَعْدِ مَا عَقَلُوهُ وَهُمْ يَعْلَمُونَ....يَا أُولِي الْأَلْبَابِ....وَمَا يَذَّكَّرُ إِلَّا أُولُو الْأَلْبَابِ....إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِأُولِي النُّهَى....لَهُمْ قُلُوبٌ لَا يَفْقَهُونَ بِهَا.....لِمَنْ كَانَ لَهُ قَلْبٌ أَوْ أَلْقَى السَّمْعَ وَهُوَ شَهِيدٌ....هَلْ فِي ذَلِكَ قَسَمٌ لِذِي حِجْرٍ....أَنْ تَقُومُوا لِلَّهِ مَثْنَى وَفُرَادَى ثُمَّ تَتَفَكَّرُوا .....كَذَلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ لَكُمُ الْآيَاتِ لَعَلَّكُمْ تَتَفَكَّرُونَ .....أَوَلَمْ يَتَفَكَّرُوا فِي أَنْفُسِهِمْ .....إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ ... أَوَلَمْ يَنْظُرُوا فِي مَلَكُوتِ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ وَمَا خَلَقَ اللَّهُ مِنْ شَيْءٍ....الخ.


Ugu dambeyntii walaal hadaan maanta niraahno aan is dul taagno dowrka Diinta ee Caqliga ku aadan,maaha wax uu soo koobi karo maqaal kooban oo muraadka aan ka leeyahay uu yahay baraarujin ku aadan camiridda Caqliga ruuxa Muslimka ah,waxase muhiim ah inaan garano inuu Caqligu yahay nimco muddo kar ah oo inagu hagaya muhiimadda nolosheena Adduunyo iyo teena Aakhiro.


Ku mahadsanid Akhrintaada,sii gudbontaada iyo Faalo ka dhiibashadaada.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...