Isbeddelku waa qayb ka mid ah nolosha ka hel ama ha ka helin, waa kii yimaada.

0
Tuesday January 30, 2024 - 10:24:56 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Isbeddelku waa qayb ka mid ah nolosha ka hel ama ha ka helin, waa kii yimaada.

    noloshu mid ay iska waddato. Waa mid banaanka kaa ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

noloshu mid ay iska waddato. Waa mid banaanka kaa ah.



Noloshu ma aha mid ka fursanaysa isbeddel inuu ku yimaado. Nogo qof u diyaarsan isbeddellada dhacaya iyo kuwa dhici doona. Mar walba kabahaagu cagta ha kuugu jireen, si aad geediga horey ugu la guurtid. Mar walba godintaadu ha kuu afaysnaato si aad ugu geedo goosatid, mar walba buraashaddaadu ha kuu biyaysnaato si aad u dhalan dhooshid, sidoo kalena karbuunadaadu ha kuu batariyaysnaato si aad ugu guuraysid. Ha seexane soojeed si aan lagaaga hayaamin meel cidlo ciirsila ah.



Waxaa jira dad badan oo omoskooda iyo abaartooda iska negi, halka qayrkood berri hore hayaameen.

Sideey kula tahay inaad ku gaari kartid nin intaad huruday shan geedi guuraya? Kala tagte ciddaas, balse haddaad dadaashid waad dhaafi kartaa, waxa dad isku dhaafay waa dadaal. "nin hurdow halowday dantaaa"


Koritaanku ka ma maarmo isbeddel---inaad isbeddel la timaadaa ayay ka imanaysaa inaad kortid. Ma aha wax fudud in lala qabsado isbeddellada qaar hase yeeshee koritaanka ayaa ku yimaada xaladdaas.

La qabso isbeddelka noqo qof isbeddelka isla beddela.


Isbeddalku wuxuu u yimaadaa labo siyaabood. Midi waa mid aad adigu abuuratid oo ka yimaada gudaha. Midina waa mid silama filaana kuugu yimid waa


noloshu mid ay iska waddato. Waa mid banaanka kaa ah.


Abdi Rahman HaLdor

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...