Sucuudiga Oo Mashaariic Ay Ku Baxayso $40 Milyan Ka Fulinaya Somaliya.

0
Tuesday January 30, 2024 - 07:31:11 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga Oo Mashaariic Ay Ku Baxayso $40 Milyan Ka Fulinaya Somaliya.

    "Waxa uu sheegay in dowladda Sacuudiga ay ka go'an tahay taageeriddu"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa uu sheegay in dowladda Sacuudiga ay ka go'an tahay taageeriddu"




Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay mashaariic dhowr ah oo la xiriira caafimaadka, waxbarashada, biyaha, iyo gargaarka Soomaaliya. Mashaariicdan ayaa waxaa fulinaysa Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Samafalka, waxaana ku baxaya ilaa 40 milyan oo doollarka Mareykanka ah.



Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in mashaariicdan ay wax badan ka qaban doonaan baahiyaha adeegyada bulshada ee dalka ka jira, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha oo ah adeegyada muhiimka ah oo uu sheegay inay si weyn ugu baahan yihiin dadka Soomaaliya.


Dr. Abdullah Bin Abdulaziz Al-Rabiica, oo ah La-taliyaha Boqorka Sacuudiga, ahna Kormeeraha Guud ee Xarunta Gargaarka iyo Samafalka ee Boqor Salmaan, ayaa hoggaaminayay wafdiga Sacuudiga ee u yimid daahfurka mashaariicdan magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in dowladda Sacuudiga ay ka go’an tahay taageeridda shacabka Soomaaliya iyo dowladooda.

Loading...
Loading...