Maraykanka Oo Wacad Ku Maray Inuu U Aari Doono Askar laga Laayay.

0
Tuesday January 30, 2024 - 07:24:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1000
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Wacad Ku Maray Inuu U Aari Doono Askar laga Laayay.

    "Weli lama shaacin magacyada askarta Mareykanka ee lagu dilay weerarkaasi"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Weli lama shaacin magacyada askarta Mareykanka ee lagu dilay weerarkaasi"





Iran ayaa beenisay inay ku lug leedahay weerrar dhanka cirka ah oo ka dhacay saldhig ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin meel u dhow xuduudda Jordan ay wadaagaan dalka Suuriya.



Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay ilaa saddex askari oo Mareykan ah halka tobanaan kalena lagu dhaawacay.


Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa wacad ku maray inuu aarsan doono isagoo sheegay 'inay ka jawaabi doonaan weerarkaasi'.


Mr Biden ayaa weerarkaas ku eedeeyay kooxaha mayalka adag ee ay taageerto dowladda Iran ee ka hawlgala Suuriya iyo Ciraaq.


Ha yeeshee Iran ayaa beenisay inay ku lug leedahay weerrarkasi.


Waa markii ugu horreysay oo duqeyn lagu dilo ciidamo Mareykan ah oo ka howlgala gobolka, tan iyo 7-dii bishii Oktoobar, oo Xamaas ay weerrar ku qaadday Israa’iil.


Iran waxay sidoo kale beenisay eedeymaha ugu yimid Mareykanka iyo Britain, taas oo ah inay taageereyso kooxda looga shakisanyahay inay fulisay weerrarka.


Weli lama shaacin magacyada askarta Mareykanka ee lagu dilay weerarkaasi, iyadoo saraakiisha ay ku guda jiraan baaritaan lagu ogaanayo askartaas si loogu war geliyo qoysaskooda.


BBC
Loading...
Loading...