Qaramada Midoobay Oo Kulan Ka Yeeshay Khilaafka Somaliya & Itoobiya.
"Heshiisku wuxuu siinayaa Itoobiya oo aan bad lahayn inay hesho deked ciidan iyo ganacsi."
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay kulan ka yeeshaan xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska dekedaha ee ay la gashay jamhuuriyadda Somaliland.
TV-ga Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, ayaa ku waramaya in kulanka Isniinta maanta ah looga hadli doono dhacdooyinka Geeska Afrika.
Muranka ayaa ka dhashay kadib markii Itoobiya ay horraantii bishan heshiis is-afgarad ah la saxeexatay Somaliland.
Heshiisku wuxuu siinayaa Itoobiya oo aan bad lahayn inay hesho deked ciidan iyo ganacsi.
Soomaaliya oo Somaliland u aragta qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa diiday heshiiskaas, waxaanay Itoobiya ku eedaysay inay ku xad-gudbi doonto madax-banaanideeda
Loading...
Loading...