Madhabaa In Xildhibaanada G. Guurtidu Ku Hawlanyihiin Xil Ka Qaadista Saleebaan?
"Xildhibaanada Aqbaliyada Golaha Guurtida ayaa la sheegayaa inay diyaarinayaan... "
Hargaysa (HWN) Fadhigii saaka ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa u furmi kari waayey Kooram la'aan, kadib markii xildhibaano badan ay ka soo xaadiri waayeen Golaha.
Xildhibaanada aqlabiyada Golaha Guurtida ayaa saaka isku urursadey mid ka mid ah Hotel-da Hargeysa , isla markaana go'aansadey in aaney tagin kulankii saaka loo balansaa.
Xogo ayaa sheegaya in Gudoomiye Saleeban uu saaka qorsheynaayey in Golaha ka ansixiyo soo celinta Muuse Biixi ee xeerka Doorashooyinka.
Xildhibaanada Aqbaliyada Golaha Guurtida ayaa la sheegayaa inay diyaarinayaan xil ka qaadista Gudoomiye Saleeban. waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay Warbaahinta la hadlaan .
Arinkan ayaa imanaya xili maalintii shalay ahayd ay shirgudoonka wakiilada iyo Guurtida kulan albaabadu uxidhanyihiin ka yeesheen khilaafka labada Gole dhexyaal, ee ku saabsan soocelinta Muuse Biixi Golaha Guurtida ku soo celiyay xeerka doorashada Somaliland.
Loading...
Loading...