Nin Caraba Oo Xalay Xaaskiisii Kudilay Hargaysa & Booliska Oo Ka Hadlay.
"Eedaysanaha iyo marxuumaduba waxay kasoo jeedaan dalka Yemen"
Hargaysa (HWN) Ciidanka Booliska Somaliland ayaa soo qabtay eedaysane ka soo jeeda dalka Yaman, oo ku eedaysan in uu xalay Hargaysa ku dilay xaaskiisii, sida ciidanku ay ku sheegeen qoraalkan hoose oo ay baahiyeen.
"Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Jamaal Daaha Cabdiraxmaan ina Sarco Axmed 54jir oo ku eedaysan inuu Xalay Abbaaro 10:30kii Habeenimo ku dilay Xaafadda Shacabka ee Magaalada Hargaysa Marxuumad Sumaya Siciid Naasir oo ahayd Xaaskiisii waxaanu uu ku dilay Mindi ( Soodh) .
Dedaal dheer iyo hawlgallo ay sameeyeen Ciidanka Boolisku ayay kusoo qabteen Eedaysanahii , waxaana hadda ku jiraa gacanta Ciidanka. Eedaysanaha iyo marxuumaduba waxay kasoo jeedaan dalka Yemen , waxaana kiiskaasi baadhidiisa gacanta ku haya Hoggaanka Baadhista Dambiyada (C.I.D).
Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL
Loading...
Loading...