Muuse Biixi Oo La Meeraysanaya Xubintii Waddani Ku Matalaysay Komishanka Doorashooyinka.

0
Monday January 29, 2024 - 11:12:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo La Meeraysanaya Xubintii Waddani Ku Matalaysay Komishanka Doorashooyinka.

    "taas si sharci daro ah uu u yidhi waxaan xilka ka qaaday Xubintii Guddida "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"taas si sharci daro ah uu u yidhi waxaan xilka ka qaaday Xubintii Guddida "






Hargaysa (HWN) Xildhibaan Hassan Ogaal oo kamid ah Golaha wakiilada Somaliland  ayaa sharci daro ku tilmaamay in Muuse Biixi uu Golaha wakiilada usoo gudbin waayo xubintii xisbiga Waddani ku matalaysay gudida doorashooyinka Somaliland Cabdicasiis Xirsi Warsame oo uu hore xilkii uga qaaday, sida uu xildhibaanku ku sheegay qoraalkan uu baahiyay.



"Waxaa  laga joogaa muddo saddex bilood ka badan wakhtii Madaxweyne Muuse Biixi uu abuuray khliaafka Komiishanka Dooroshooyinka Qaranka, taas  si sharci daro ah uu u yidhi waxaan xilka ka  qaaday Xubintii Guddida Doorashooyinka u joogay Xisbiga Waddani MD Cabdicasiis Xirsi Warsame, oo ilaa hada  aanu  u soo gudbin Golaha Wakiilada si ay uga gutaan waajibaadkooda xeerku siiyay, waxaase is waydiin muddan in Madaxweynuhu xubintaa Guddida ka tirsan  uu ula dhaqmayaa sidii agaasime fulineed uu magacaabay isagu, taasina waxay ku tusaysaa  sida Xafiiska Madaxtooyadu uga  aradan yahay sharci yaqaano, sababtoo ah maalin kasta waxaad arkaysaa il-duuf xeer oo Madaxtooyadu samaynayso.


Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu sida ugu dhaqsaha badan ugu soo gudbiyo Golaha Wakiilada xubintaas Xisbiga Waddani u metelaysay Gudida Doorashooyinka Qaranka, taas oo imika u muuqata in aad meel dhexe oo xeerarka waddanka baal marsan aad ku haysato, taasina maha mid kuu soconaysa ee waxay qayb ka tahay sida aad doorashooyinka iyo hanaankeeda horu socod aad uga meeraysanaysoā€¯ ayuu yidhi Xildhibaan Hassan Ogaal .
Loading...
Loading...