Khamiiska iyo khuraafaadka aynnu ka rumaysannahay!

0
Monday January 29, 2024 - 10:48:13 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khamiiska iyo khuraafaadka aynnu ka rumaysannahay!

    Dhanka kalena dadkeenna dhaqan Soomaaliga u dhuun daloolaa..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhanka kalena dadkeenna dhaqan Soomaaliga u dhuun daloolaa..


Maalin wanaagsan jaalleyaal, si halhaleel ah haddii aan u dhex muquurto fakarka lugu taqdiisiyo in khamiisku yahay dhar Islaameed, iyo muqaddas Eebbe loogu dhawaanayo. mushkilad malaha, oo qofkastiba aashiisa ayuunbuu hadlaa, soona bandhigaa oo la gole yimaddaa. Sidan xusayna ma xuma, laakiin waxaynnaan ogsoonayn in Khamiisku aanu ahayn dhar Islaam, iyo mid carbeed toona, khamiisku waa dhar ab ka soo gaadh ah, oo umadihii hore ee aan warshadaha badan haysanini ay adeegsan jireen, maadaama oo dharka khamiiska la yidhaahdo qofku hal mar xidhanayo, una baahnayn in uu wax kale haddii aanu haysan in uu la adeegsado,

 markaas xaalka oo sidan ah ayuu Nabi Maxamed, NNKH, ku soo biiray ifka, marka in uu yidhaahdo hallaxidho dhar kale iyada oo mashkaladdii keentay waxani ay isla meeshii taagantahay, micnaha aanay dadku haysan wax warshado farabadan ah oo si fudud sida maanta oo kale dharka u soo saaraya, wax



 miccna ah may samaynayn, waxanad ogaataa walaalka/walaasha Soomaaliga Muslinka ahoow, in Islaamku aanu ahayn wax ku dul dhistaalaysan walax, tusaale, Islaamku ma sheegin sida Masjidka loo dhiso, dharka jaadka la xidho, gaadiidka kuwa ay qasab tahay in la adeegsado, lkn |Islaamku wuxu dajiyaa xeerar, xeerarkaas oo hadba ku xidhan shayga, tusaale ahaan, Khamiis, Surwaal, Macawiis, iyo wax kasta oo hoosta laga xidho ragga dhankooda, Islaamku wuxu u dajiyay xeerar, xeerarkaas oo aan ku kala duwanayn surwaal iyo Khamiis, tusaale ahaan, Surwaalkaagu yaanu ka hoosmarin canqawyada, Khamiisku waa la mid oo waa xeer qabanaya wax kasta oo ninku uu hoos ka xidho, dumarka laftooduna waynnu


 ognahay in ay laftoodu leeyihin xeerar cad cad oo ka dagsan waxay xidhanayaan. Hayeeshee nasiib daradu waxay tahay intii umadaha horusocodka ahi ay ku mashquulsanaayeen wax qabsi dhan walba ah, ayay Muslimiintu isku mashquuliyeen, muuqaalka guud kaas oo aanu jirin micna allaala iyo micna uu leeyahay, oo maanta aniga oo shaadh iyo surwaal xidhan kara, talaabadayda aanu dhibayn, si fudud ku heli kara, maxay tahay in aan xidho khamiis waxa qasabka ka dhigayaa? Waxba in ay tahay uun baan u filayaa.


Dhanka kalena dadkeenna dhaqan Soomaaliga u dhuun daloolaa waxay had iyo jeer ku tiraabaan in dadku u noqdo walxiihii hore ee aynnu adeegsan jirnnay oo tusaale ahaan, raggu xidhaan laba go', gabadhu xidhato dharkii ay xidhan jireen ayeeyooyinkeen,la adeegsado fandhaalkii iyo saabaannadii wax lugu cuni jiray waayadii hore. Waa se dad aan ogsoonayn in dhar dhar ka qiima badani aanu jirin, mushkiladduna aanay ahayn taas, ee waxa rasmiga ah ee ay tahay in ay umaddu ilaashataa yahay, rumaysiyada ay rumaysantahay, dhulkeeda, iyo wixii faa'iido if, ama mid aakharo ugu jirto.


Lkn yaab male, oo dibusocodnimada astaameheeda, waxa ka mid ah in ay dadku isaga tagaan wax iswaydiinkasta oo maangal ah waayadii Yurub ay ku jirtay qarniyadii madoobaa, darck time, ayay Wadaadada diimuhu qasab ka dhigi jireen waxkasta oo aan jirin cillad keenaysa iyo sabab loo aqbalo waana tii ayba xabaalaha ugu gureen aqoonyahanno Aadamiga wax u soo kordhinayay. Waalaga yaabaa in aynnu xasaasiyad ka qabno Yurub iyo ku dayashadeeda dhanka horumarka iyo xoorista waxkasta oon micna nololeed lahayn, hayeeshee taasi waa qof iyo aashiis mana laha tixgalin heer Aadame, oo nacaybka, gafuurtaagga, iwm qofkiisa ayuunbay dhibaan, hore waatii Soomaalidu u tidhi, "gafuurtaagga habeenimo ninkiisuu dhibaa"


Waxan rabaa in aan ku soo gabagabeeyo waydiin odhanaysa, Nabi Maxamed NNKH wuxu xidhan jiray Khamiis, hadaba Abii Jahal, Cutba, Waliid Ina Muqiira, maxay iyagu xidhan jireen? Khamiis mise wax kale?

Zubair Andalus


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...