Shan Ruux Oo Laba Ay Dumar Tahay Oo Lagu Dilay Gobolka Mudug Iyaga Oo Safar ah.
"Waxaan hadda guriga ii joogo 13 caruura oo rajo iyo agoon noqday oo isuma qadaa"
Shan qof oo la sheegay in ay rayid ahaayeen ayaa lagu dilay deegaanka Saaxo ee gobolka Mudug. Waxaa la sheegay in ay dileen dableey hubaysan.
Waxaa kale oo ku dhaawacmay weerarka lagu qaaday dadkan oo safar lix qof oo kale.
Dadka oo saarnaa gaari noociisu ahaa Cabdibile ayaa tiro ahaa dhamaa 11 qof kuwaas oo ka anbabaxay Saaxo kuna sii jeedey deeganka Hirgala- Tiriye ee dowlada deegaanka Soomaalida.
Dadkaan ayaa lagu dilay qiyaastii meel 5 kiilo mitir u jirta halka ay ka amabaxaeen, waxaa jidka u galay rag hubaysan sida BBC-da u sheegay Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Xaaji Cali.
Gaariga ay saarnaayeen dadka dhintay iyo kuwa dhaawac ah ayaa qaraabada dadka dhintay noo sheegeen in uu ahaa kuwa dagaalka ee loo yaqaano Cabdibile, oo uu saarnaa qori, laakiin ay dadka la dilay ahaayeen shacab doonayay in ay qof xanuunsan soo qaadan, inkasta oo BBC-du aysan si madax banaan u xaqiijin karin sheegashadaas.
Cabdiweli Jaamac Xasan xaaskiisa iyo laba walalaheeed ah ayaa kamid ahaa dadkii ku geeriyooday dhacdadaas sida uu u sheegay BBC da.
"Wiilka gaariga darawalka ka ahaa wuxuu ahaa seedigay, iyo walaashiis oo aniga xaaskayga ahayd iyo gabar uu isugu qabay oo la socotay dhamaantood mesha ayey ku dhinteen. Waxay isku raaceen inay soo qaadaan islaan xanuusanayd oo taalay dhanka Higla-Tiriye oo ka tirsan gobolka Wardheer ee Dowlad degaanka” ayuu BBC da u sheegay Cabdiweli.
Cabdiweli wuxuu intaa ku daray in xaaskiisa ku geeriyootay isla goobtii isaguna uu ka mid ahaa dadka maydkeeda soo qaaday.
"Waxay ii dhashay lix caruura oo kan ugu weyn labo iyo toban sano jir yahay. Waxay ahayd qof aan cidna danbi ka galin mana garanayo sabab loo dilay. Waxaan ku tilmaami karaa fal wuxuushnimo ah. Dadku waxay ahaayeen dad birmo gaydaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdiweli.
"Laba caruur ah oo aan dhalay ayaan waayay"
Faadumo Faarax Jaamac waa hooyo degan deegaanka Saaxo oo halka ay ka ambabaxeen dadka lagu dilay wadada. Waxay dhashay laba kamid ah dadkii lagu dilay jidka oo ahaa wiil iyo gabar.
Murugada ay ka dhaxashay dhimashada ilmaheeda ayaa waxaa u sii dheer in ay u taalo korinta caruurtii ay dhaleen wiilkeeda iyo gabadheedii la dilay.
"Waxaan hadda guriga ii joogo 13 caruura oo rajo iyo agoon noqday oo isuma qadaa, labo gabadhood ayaa ka dhintay todon caruura, wiilkuna 3 ayuu dhintay xaaskiisiina waa la geeriyootay. Marka, wax kale oo an dhihi karo malaha in qadari nagu dhacday aan ahayn iyo geeri naxdlin leh” ayey tiri Hooyo Faadumo oo codkeedu quusi ka muuqato.
Waxa kale oo ay sheegtay hooyo Faadumo in laba sano ka hor sidaan oo kale wadada loogu dilay gabadh ay dhashay.
Lix qof oo kale oo dhaawacyo ka soo gareen weerarka ayaa qaybtood la sheegay in xaaladooda culus tahay kuwaas oo lagu kala dabiibayo cisbitaalo ku kala yaala Gaalkacyo, Galdogob, halka kuwo dhawacoodu darnaa loo qaaday magaalada Muqdisho sida BBC-da u xaqiijiyey Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Xaaji Cali.
Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Xaaji Cali ayaa BBC-da u sheegay in maamulka Galmudug ka wada shaqaynayaan sidii loo soo qaban lahaa ragii weerarkaas gaystay, maadaama ay tuhmayaan in dhinaca Galmudug ay ka yimaadeen ragii dilka gaystay.
"Anaga iyo Galmudug waxaan leenahay iskaashi ammaan oo xoog leh, waana ka wada hadlanay dhacdadaas, waana ka wada shaqaynaynaa in la soo qabto kuwii ka danbeeyey falkaas foosha xun,” ayuu intaas ku daray gudoomiye Faysal.
Waa dhacdadii todobaad ee dad ku dhintaan oo ka dhacda wadadaas oo isku xirta Puntland, Galmudug iyo Dowlad deegaanka Soomaalida sida uu BBC-da u sheegay Cabdiweli Jaamac Xasan.
Puntland iyo Galmudug
Gobolka Mudug waa mid ka mida meelaha isku dhacyada hubaysani ka dhacaan kuwaas oo intooda badani ka dhacaan dhul daaqsimeedka miyiga.
Maamulada Punland iyo Galmudug oo ka kala arimiya gobolka ayaa leh iskaashi ammaan iyagoo leh ciidamado wada jir ah oo ka hor taga isku dhacyada qabaa’iilka iyo falalka rabshadaha ah.
Madaxweynayaasha labada maamul ayaa marar kala duwan yeeshay kulamo lagu xoojinayo ammaanka oo ka dhacay Gaalkacyo, Garoowe iyo Dhuuso-mareeb
BBC
Loading...
Loading...