Maxkamadaha Tukaha (shimniraha) Ayaa ka cadaalad fiican xukuumadda M.biixi

0
Sunday January 28, 2024 - 19:15:04 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Maxkamadaha Tukaha (shimniraha) Ayaa ka cadaalad fiican xukuumadda M.biixi

    Denbiyada Tukaha waxay u qeybsamaan saddsex qeybood :

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Denbiyada Tukaha waxay u qeybsamaan saddsex qeybood :

maxkamada Tukaha , waa kuwa ugu cadaalad badan dunida oo maamul iyo nidaam fiican, oo aad u adag weeye xukunkoodu. .

Waxaanay u kala baxaan saddex qeybood.
Xukunka maxkamadahoodu soo saaraan ee gaadhaan, markiiba waa la fuliyaa, oo racfaan ma laha iyo dib u dhig .


Maxkamada Tukaha waxa la saaraa Tuke kasta oo sameeya wax dhaqanka Tukaha ka baxsan
ama ficil ka baxsan nolosha Tukaha iyo anshaxa Tukaha.


Denbiyada Tukaha waxay u qeybsamaan saddsex qeybood :

Ka koobaad waxa weeye : in uu Tukuhu ka boobo ama cuno cunto loogu talo galay Caruurta Tukaha ee yaryar.


Xukunkiisuna denbigaa waxa weeye : in ay Tukayaasha kale ka rifaan Baalasha Tukaha denbiga sameeyay, ilaa iyo inta ay Baalasha ka dhameynayaan ee uu noqonaayo sida Tukaha caruurta ah oo uu duuli kari waayo
(Ileen baalashii uu ku duuli lahaa oo dhan (waa laga rifay).


Denbiga 2-aad oo ah in uu Tuke burbiriyo Buul shimbireed (gurri) ama ka xoogo Tuke kale Buulkiisa. waxay maxkamadu ku xukuntaa , in uu dib ugu dhiso Buulkiisii .

Denbiga saddexaad ee ugu khatarsan ee maxkamadu xukun adag ka soo saartaa iyo ciqaab weyn , waxa weeye :


Hadii Tuke ka qaado Tuke kale xaaskiisa (naagtiisa)
.waxa lagu xukumaa dil iyo in Tukayaasha oo dhami isugu tagaan oo ay afkooda dheer la dhacaan ,
ilaa iyo inta uu ka dhimanaayo .


Goobta maxkamada lagu qabtaana waxay noqonaysaa, meel beer ah oo banaan ah, halkaas oo dil lagu fuliyo , oo ilaalo badan loo sameeyo denbiilaha ,
Si aanu u baxsan .


Halkaas oo denbiiluhu madaxa hoos u dhigo ( xishood awgii , uu ka xishoonaayo ficikiisii foosha xumaa ee uu sameeyay)
oo uu weliba afka xidho
Oo aan cod qudhi ka soo bixin ,
inta Tukayaasha kale afkooda la dhacayaan ee ku dilayaan .
(Waa inuu adkaystaa) inta uu ka dhimanaayo


Marka la dilo Tukahaas ayaa maydkiisa Tuke kale ayaa qaadaaya oo aasaaya oo god yar u qodaaya oo ku ridaaya, oo kadibna ciidda ku rogaaya, isaga oo maydka ixtiraamaaya oo xurmadiisa ilaalinaaya.


Hadaba Tukaha ayaa ka cadaalad fiican maamulka iyo xukunkooda M.biixi e aan waxba ka xishoonaynin.


Cali Biixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...