Wax Kala Duwaanaansho Ah Oo U Dhexeeyaa Ma Jiro Badd Kiro Ah Iyo Bad Siin Ah Waa Isku Mid.

0
Sunday January 28, 2024 - 15:26:30 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Wax Kala Duwaanaansho Ah Oo U Dhexeeyaa Ma Jiro Badd Kiro Ah Iyo Bad Siin Ah Waa Isku Mid.

    Jabouti Wax Damboo Uga Degaya Itoobiyaa Ma Jiri Doonto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabouti Wax Damboo Uga Degaya Itoobiyaa Ma Jiri Doonto.




Wax Kala Duwaanaansho Ah Oo U Dhexeeyaa Ma Jiro Badd Kiro Ah Iyo Bad Siin Ah Waa Isku Mid. 16 Wadan Oo Afrikaana Baa Aan Bad Lahayn Oo Raaca Hab Ay Badaha U Dhaw Wax Ugala Degaan Badaha U Dhaw Ee Tani Waa Oo Ujeedo Military Iyo Baayac Mushtari Oo Reer Galbeed Iyo Yuhuudi Soo Karisay.


Soomaaliyey Toos, Toosoo Ha Seexan. Ama Somaliland Joog Ama Jabouti Joog Ama Somalia Joog Ama Kenya Iyo Joog Waa Arinta Badda Muse Biixi Iibinayaa Waa Arin Ka Guda Weyn Deked La Kiraynayo, Ama Daldhig Military Oo Itobiya Lagu Caawinayo. Waa Arin Ka Dhigaysa Badaha Soomaalida Tusbax Furmay Oo Dhammaan Dekedaha Soomaalida Iyo Badda Soomalida Taladeedu Ku Wareegayso Yuhuud Iyo Cadaw Islaam. Shan Qodob Oo Waaeeyn Oo Tirtiraya Soomaalida Oo Cuni Qabataynaya Soomalida Ayaa Ku Xiga Marka Ay Itoobiya Qabsati 20 Squere Kilo Metre Oo Bad Iyo Berri Ah Oo Afar Jibbaaran.



 

Marka Hore Waa In La Ogaado Imaaraadka Carabtu Xagguu Ka Keenay Awoodda Dawlado Badan Oo Muslima Ku Dumiyey Waa Dawlad Ay Yuhuudu Kiraysatay Oo Waxay Qabataa Billions Ku Qaadataa Duminta Muslimiinta. Imika Baddan Muse Bixinaya Ee Isaga Lacagta U Gaarka Ah Ay Imaaradka Iyo Yuhuudu Siinayaa Duminta U Horaysaa Ee Dumaysaa Waa Jabouti Oo Imaaraadku Duminayo.


 

1- Jabouti Wax Damboo Uga Degaya Itoobiyaa Ma Jiri Doonto.

 

2- Waxay Soomaaliyoo Dhami Ku Qasbanaandoontaa In Dekeddaa Itoobiya Wax Kala Degaan Cashuurta Oo Aad Hoos Loogu Dhigo Si Berberi U Xidhanto. Boosaaso U Xidhanto , Garacad U Xidhanto Mogadisho U Xidhanto Waayo Yuhuudda Iyo Imaaraadkaa Lacagta Dekedaa Kale Lagu Xidhayo Bixindoona.


 

4- Saldhiga Military Ee Itoobiya Shaqadiisa Koobaad Waa Inuu Cunaqabatayn Somali Iyo Muslim Oo (Very Active) Ah Ka Moqda Badda Cas Iyo Badda Cadmeed Isagoo ( Militarily) U Adeegaya Yuhuud Iyo Reer Galbeed Waayo Marin Biyood Ka Qudha Ee Isku Xidha Dunida Bari Iyo Galbeed Weeye Baddan Berbera, Cadan Iyo Jabouti Oo Allah Ina Siiyey.


 

5- Soomaalida Oo Ah Wadanka Adduumka Ugu Geel Iyo Adhiga Badan. Dhoofinta Xoolaha Nool Iyo Kuwa Talaagadaysanba Waxaa Iib Gayntpooda La Wareegaya Itoobiya.


 

6- Yaanay Idiin Dhuuman 20ka Kilo Metre Ee Square La Ah Waa Dhul Aad U Weyn Oo Hargaysa Masaafada Ay Ku Fadhido Ka Weun Madaaro Caalamiya Oo Baayac Mushtari Iyo Kuwa Military Baa Laga Samayndoonaa Oo Yuhuudu Ku Jebiso Muslimiinta.


 

Xadiiskii Nebi Mohamed (Csw) Ciyaar Ha U Qaadanina In Kacbada Ay Xabashidu Kaga Duulidoonto Salidhigaa Lughaya Oo Lughayi Lugta Qabandoonto Muslim Koo Dhan. Muse Biixina Yahay Xabashigii Lugaa Qalqaloocay Ee Ishana La'aa; Hubaal Waa Qudhiisii Markaad Ficilooyinkiisa Deristo.


 

Heshiiska Intaasoo Asbuuc La Qarinayo Waa Heshiis Khatara. Waxaana Imika Muse Iyo Xabashidu Qacanta Ku Hayayaan Qaab Iyo Qoraal Beenbeena Oo Si Barlamaanka Loo Dhaafiyo Ka Dibna Wixii La Doonaayey La Hir Geliyo. Soomaali Oo Dhan Waa Inay Dagaal Heegana Gashaa Oo Isugu Timaaddaa Awdal IyoBadda Somaliland. Kiro Iyo Iib Waa Isku Ujeedada Itoobiya Iyo Yuhuuddu Wey U Hirgelaysaa. Belaayo Madax La Qabtay Leeday Ee Minjo La Qabto Ma Leh.


 

Wa Bilaahi Tawfiiq.

 

Qoraa Mohamed Bashe

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...