Hadalka Dhaadheer Iyo Hadyiga Islaamka.

0
Sunday January 28, 2024 - 11:07:24 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadalka Dhaadheer Iyo Hadyiga Islaamka.

    Waxa la sheegaa Aayadan in ay ku soo dagtay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la sheegaa Aayadan in ay ku soo dagtay...


Qaylada iyo hadalka oo kor loo qaado waa qaynuun xumo aan u qalmin qof Muslim ah oo reer magaal ah.

Diinta Islaamku waa Diin aad u taageerta wanaaga iyo ilbaxnimada iyo in dadku is tixgaliyaan,

Sidaa darteed ayay iska diiday in dadku codka kor isugu qaadaan oo ay isku qayliyaan markay hadlayaan.



Ilaahay isaga oo arintaas ka hadlaya wuxuu yiri:-

وَاقْصِدْ فِي مَشْيِكَ وَاغْضُضْ مِنْ صَوْتِكَ إِنَّ أَنْكَرَ الأَصْوَاتِ لَصَوْتُ الْحَمِيرِ (19)


"Dhexdhexayso socodka codkaagana hoos udhig cod la dhibsado waxaa ugu daran midka dameeraha"

Wuxuu kaloo Alle yiri:/


يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تَرْفَعُوا أَصْوَاتَكُمْ فَوْقَ صَوْتِ النَّبِيِّ وَلا تَجْهَرُوا لَهُ بِالْقَوْلِ كَجَهْرِ بَعْضِكُمْ لِبَعْضٍ أَنْ تَحْبَطَ أَعْمَالُكُمْ وَأَنْتُمْ لا تَشْعُرُونَ ))[ الحجرات:2]


"Kuwa iimaanka laga helayow codkiina ha ka saramarinina codka Nabiga hadalkana kor ha ugu qaadina sida aad idinka kor isugu qaadaan oo kale si uusan camalkiina u burin idinka oon ogayn"


Waxa la sheegaa Aayadan in ay ku soo dagtay dad reer baadiye ah oo Nabiga scw markay u yimaadaan ugu dhaqaawi jiray si aan maamuus lahayn waxayna ka soo qaylin jireen meel shishe iyaga oo leh aaway Muxamad!!!!!noo soo bax Muxamadoow iwm!!!!


Ilaahay isaga oo arintaas ka waramaya ayuu aayad kale ku yiri:

إِنَّ الَّذِينَ يُنَادُونَكَ مِن وَرَاءِ الحُجُرَاتِ أَكثَرُهُم لَا يَعقِلُونَ * وَلَو أَنَّهُم صَبَرُوا حَتَّى تَخرُجَ إِلَيهِم لَكَانَ خَيرًا لَهُم وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ .

"Kuwa kaaga soo dhawaaqaya guryaha gadaashooda intooda badan waa kuwo aan waxba garanaynin bal haday sugi lahaayeen ilaa aad oga soo baxayso khayr bay u ahaan lahayd"


Sidoo kale Rasuulka scw waxaa ka sugnaaday Axaadiis fara badan oo ku tusinaysa in aysan qayladu ahayn usluubta qofka Muslimka ah.

"قد روى الترمذي في جامعه عن عَبْدِ اللَّهِ الْجَدَلِيَّ يَقُولُ سَأَلْتُ عَائِشَةَ عَنْ خُلُقِ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَتْ لَمْ يَكُنْ فَاحِشًا وَلَا مُتَفَحِّشًا وَلَا صَخَّابًا فِي الْأَسْوَاقِ وَلَا يَجْزِي بِالسَّيِّئَةِ السَّيِّئَةَ وَلَكِنْ يَعْفُو وَيَصْفَحُ قَالَ أَبُو عِيسَى هَذَا 

حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ "

"Tirmadi waxaa laga wariyay in Cabdullahi aljadali uu yiri: Caa’isha ayaan weydiiyay dabeecadihii Rasuulka scw waxa ayna tiri:- Rasuulka scw ma ahayn mid wax fadeexeeya oo hadal xun, sidoo kalana ma ahayn mid suuqyada ku qayliya,mana ahayn mid xumaanku guda xumaan ,lkn wuu ahaa mid cafiya oo iska saamaxa"


Rasuulka scw wuxuu yiri:-

"وَإِيَّاكُمْ وَهَيْشَاتِ الْأَسْوَاقِ "رواه مسلم.

"waxaan idiinka digayaa in aad Suuqyada ku qaylisaan".


Waxaa kaloo sugan Athar oranaysa in uu Nabi Muxamad scw ahaa mid aan hadalkiisu dhaafin hadba qofka uu la hadlayo ilaa ay Saxaabada qaarkood tilmaameen in marka uu suubanaha la hadlayo ninka midig ka xiga uusan maqli jirin midka bidixda ka xiga


Wuxuu ahaa mid codkiisa ku kooba qofka uu la hadlayo oo kaliya.

Walaalayaal sidaa aan arkayno qaylada ama hadalka oo kor loo qaadaa Islaamku waxa uu ka dhigay shey karaahiyo ah oo aan ku haboonayn dhaqanka dadka.


Wax kale iska daaye Islaamku xuska Alle iyo digriga oo ah waxa uu Alle ugu jecel yahay waxa dunida guudkeeda saaran ayuu xitaa u diiday in codka sare loogu dhigo.

{ وَاذْكُر رَّبَّكَ فِي نَفْسِكَ تَضَرُّعا وَخِيفَةً وَدُونَ الْجَهْرِ مِنَ الْقَوْلِ بِالْغُدُوِّ وَالآصَالِ }،


"Ka xus Rabigaa naftaada dhexdeeda adiga oo isu dulaynaya cabsina ku dheehan oo aan codka sare u qaadeynin subaxdii iyo galabtii"


Walaalayaal waxaa la yaab leh in duulka uu manhaj uyahay diinkan dadka faraya ilabaxnimada iyo is ixtiraamka ay ka aradan yihiin in badan oo ka mid ahi Akhlaaqdan sare ee anfinaysa in qaylo la iskula hadlo.


Waxaad arkaysaa in dadka Islaamku in badan oo ka mid ahi yihiin dadka ugu qaylada badan Dunida inaga Soomaalida ahna kumaba sii jirno oo waxaad moodaa woojada inagu xirani in ay tahay tii loogu talo galay codbaahinta.


Waxaad arkaysaa in aan la qabsanay oo aanan inteena badan kari karin inaan aayar u hadalno.


Dadka aan Dalalkooda ugu tagnay ee aan Dunida kula noolnahay way nagu barteen arintan oo aad bay inoola yaabaan markaan sheekaysanayno.

Abdullahi M Hussen.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...