Igu Gudooma Qormadaan

0
Sunday January 28, 2024 - 10:59:49 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Igu Gudooma Qormadaan

    Tuuggii sidii ayuu sameeyay, waxyar ayuu sii fadhiyay,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tuuggii sidii ayuu sameeyay, waxyar ayuu sii fadhiyay,,,


Si kasta oo aad u saxan tahay, qofka kalana u khaldan yahay, si walba oo aad u hanuunsan tahay, qofka kalana u lunsan yahay, dhaqanka suubban baa wax kasta ka horreeya.


Tuug ayaa habeen u soo dhacay guriga Maalik binu Dinaar, nasiib xumo kama helin waxa uu qaato, laakiin Maalik ayaa u dhawaaqay oo ku yidhi:



 

"kama aad helin shay adduunyada wax kuu tara ee ma u baahan tahay wax aakhiradaada anfaca?" Tuuggii ayaa yidhi: Haa. Maalik ayaa ku yidhi: "soo weysayso oo tuko laba rakcadood."


Tuuggii sidii ayuu sameeyay, waxyar ayuu sii fadhiyay, kadibna masjidka ayuu tegay. Maalik oo la waydiiyay ninkani waa kuma ayaa yidhi: "si uu noo xado ayuu u yimid, balse annagaa xadnay."


‎‫وادعُ إِلَى رَبِّكَ بِالْحِكْمَةِ وَالْمَوْعِظَةِ الْحَسَنَةِ >النحل: 140‎


Jidka Rabbigaa, ugu baaq dadka hab iyo hannaan ay ku dheehan yihiin xikmad iyo waano wanaagsani" !

Abdi Rahman HaLdor

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...