Cadaawada shacabka iyo xukuumadda.Cali Biixi

0
Saturday January 27, 2024 - 15:55:07 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Cadaawada shacabka iyo xukuumadda.Cali Biixi

    *su'aal* sidee isaga iyo bulshada magaalada isku yihiin?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

*su'aal* sidee isaga iyo bulshada magaalada isku yihiin?


 

Waxay xukuumaddu u soo dirtay magaalo dalka ku taala , in Badhasaabka magaaladaas warbixin laga keeno , sida ay isaga iyo bulshada halkaas ku dhaqani isku yihiin.

 

Ninkii ayaa magaaladii yimi ,

waxa uu soo raacay (Taxi-siile) waxa arkay gurri lagu xoonsan yahay. * su'aal* Waxa uu weydiiyay Taxi-siilihii: yaa defen gurigaas? Waxa uu ugu jawaabay : Badhasaabka magaalada ayaa degen .

*su'aal* sidee isaga iyo bulshada magaalada isku yihiin?

(Taxi-siilihii) ayaa ugu jawaabay : *waa nin xun oo kudaafad ah .

su'aal Waxa uu waydiiyay: maxuu sameeyaa ?

*Waxa uu ugu jawaabay: ha I waydeen . Waayo ? *

* Lama soo koobi karaayo xumaantiisa.

 

Ninkii oo yaaban ayaa Huteelkii uu seexanaayay gaadhay: casarkii markay ahayd ayaa waxa uu waydiiyay ninkii huteelka haystay: su'aal

Bal ka waran Bashaabka magaalada? Kiina sidii kii hore ayuu u caayay Badhasaabka oo weliba inta uu candhuuf ku tufay dhulka ayuu yidhi: akhas weeye .

* Ninkii baa ku yidhi:* waayo muxuu sameeyay?

Ninkii baa ku jawaabay ha I waydiin.

 

Ninkii baa waxa uu utegey nin macalin ah oo dugsiga magaalada maamule ka ah.

Waxa uu waydiiyay arinka Badhasaabka?

Waxa uu ugu jawaabay: waxaas oo ashtako ah iyo cabasho ah , ayaa xukuumadda looga gudbiyay Badhasaabka oo aanay waxba ka qaban.

Iyo ashtakooyin kale oo badan.

 

Waxa uu arkay guriga Badhasaabka oo (file) loogu jiro gurigiisa, inta uu galay ayaa waxa uu arkay,

Sida uu wax ugu qabanaayo qof kasta baahidiisa oo uu u fulinaayo.

 

Ninkii waxa uu u tegey Caaqilkii magaalada oo uu wax ka waydiiyay Badhasaabka iyo cabashooyinka dadku ka qabaan,

In kasta oo aan arko in magaalada uu u sameeyay intii uu joogay Badhasaabku Riig biyo ah iyo dugsiyo iyo beero iyo laydh iyo wadooyin.

Ee maxaa lagaga cabanayaa?

 

Caaqilkii ayaa ku yodhi: ninkaas warkiisa cidi ma jecla ee warkiisa inaga daa.

 

Ninkii ayaa warbixintiisii qoray oo cabashooyinka dadku siday u neceb yidhi Badhasaabka ku qoray.

 

Ninkii oo doonaaya in uu gaadhi ka raaco magaaladii ayaa waxa u yimi caaqilkii oo ku yidhi: Adigu inankayagii ayaad tahay oo runta ayaanu kuu sheegaynaa , Laakiin xukuumadda warbixinta aad gudbinaysaa waa inay noqoto,

In dadka magaaladaa iyo Badhasaabka magaaladu ay col yihiin , oo ay ka cabanayaan oo uu dhibo. Waayo?

Xukuumadda iminka joogtaa ee M.biixi cadaadis iyo cadaalad darada bulshada loo geysanaayo ayay jeceshahay oo mas'uulkii ay ku maqasho bulshada ayuu u adeegaa

Xilka way ka xayuubisaa,ama meel baas ayay ka tuurtaa.

 

Badhasaabka magaalada qof ka fiicani ma soo marin oo waad aragtaa Riiga biyaha ee uu furay iyo laydhka magaalada iyo wadooyinka magaalada iyo beeraha iyo nadaafada magaalada iyo dugsiyada uu dhisay iyo dhakhtarka uu dhisay iyo amaanka magaalada ka jira.

 

Isagaa sameeyay.

Laakiin dadkayaga magaalada waxaanu ku heshiinay inaanu ashtakayno oo cayno,

Si aanay xukuumaddu nooga bedelin Ninkan wanaagsan.

 

Oo hadii aanu amaano oo wax qabadkiisa sheegno ,

Waa la bedelayaa

Oo dhaqanka xukuumadda M.biixi ayaa ah in ay cadaawad iyo colaad iyo isku dir shacabka iyo xukuumadda la kala dhex dhigo.

Waa xukuumad haysa shaqadii sheydaanka loogu talo galay.

 

Markaa sidaas ayaanu ku heshiinay bulshada magaalada degeni .

 

Cali Biixi


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...