Guurtida iyo Wakiilada Oo Ka Wada Xaajoonaya Murankii Sharci Ee Xeerka Doorashada SLAND.

0
Saturday January 27, 2024 - 11:14:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guurtida iyo Wakiilada Oo Ka Wada Xaajoonaya Murankii Sharci Ee Xeerka Doorashada SLAND.

    "Gudoomiyaha ayaa ka codsaday Xildhibaanadii is xilqaamay..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Gudoomiyaha ayaa ka codsaday Xildhibaanadii is xilqaamay..."


Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha golaha guurtidda Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa markii uu furay fadhigii saaka ee golaha waxa uu Xildhibaanada u sheegay in mudanayaal is xilqaamayay u yimaadeen shir-gudoonka golaha, oo ay ka codsadeen in la hakiyo ka shaqaynta Xeerarkii uu madaxwaynuhu u soo gudbiyay ee Doorashooyinka oo loo balansanaa.



Gudoomiyaha ayaa ka codsaday Xildhibaanadii is xilqaamay inay golaha la wadaagaan arrinta ay soo gudbiyeen.


Intaasi kadib Xildhibaan Axmed Daahir Jide oo ka mid ahaa Xildhibaanadii is xilqaamey ayaa gole waynaha la wadaagay in golaha guurtidu uu yahay golihii nabada oo aanu xiligan u baahnayn khilaaf iyo muran sharci, taasi badelkeeda ay rabaan in wada hadal lagu dhameeyo wixii muran sharci ah ee jira.


Guddoomiye Golaha Guurtida Somaliland ayaa xildhibaanada u sheegay inay arrintaasi hakinayaan oo ay ka war sugayaan shir-gudoonka golaha wakiillada si looga wada hadlo muranka sharci ee jira.
Loading...
Loading...