Ka Hor Heshiiska Ethiopia: Diyaar Garow Qotodheer

0
Saturday January 27, 2024 - 11:03:23 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 497
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka Hor Heshiiska Ethiopia: Diyaar Garow Qotodheer

    Is fahamka dhowaan dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia waxa..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Is fahamka dhowaan dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia waxa..



Doonista dhabta ah ee Ethiopia waa marin badeed ay iyadu yeelato. Deekado badan ayaa jira oo gobolka ku yaal oo Ethiopia wax kala soo degto kalana soo degi karto mustaqbalka, sida Jabuuti, Berbera, Mombasa iyo Lamu oo ay leedahay saami aad u buuran. Samaysashada ciidan badeed iyada oon bad lahayn waxay ka turjumaysaa siday uga go’an tahay inay hesho bad ay iyadu leedahay taasoo ay marar bandanna sheegeen siyaasiinta sare ee Ethiopia, weliba si gaara badda Cas. Inkastoo juqraafi ahaan badda Casi ay tahay 2,250 km ee u dhexeeya gacanka Caqaba iyo Bababl Mandab, haddan marka laga hadalayo badda Cas waa la isla garanayaa in gacanka Cadmeedna ku jiro. Saldhig militari oo Ethiopia ku yeelato badda Cas waa bilowga helitaanka bad ay yeelato.



 

 

Is fahamka dhowaan dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia waxa ka soo dhex bixi doona heshiisyo kala duwan oo labada dhinac dhexmara. Waxa hubaala in Ethiopia mudnaanteeda kowaad tahay helitaanka bad ay yeelato oo saldhig iyo dekedaba ka dhisato. Somaliland Iyana waxa waxa laga filayaa inay badka soo dhigto wax kasta oo ay u ku bedelanayso marin badeed ay Ethiopia siiso.


 

 

Marka xaalku sidaa u cada yahay , waxa looga baahan yahay xukuumada talada haysaa inay abuurto koox khubaro ah oo isku dubarida waxa Somaliland golaha la imanayso. Xubnaha kooxdaasi waa inay ahaadaan niman strategists ah oo meel fog wax ka eegaya caadfidna nooc kastoy tahay ka xor ah.Hadalada suuqa ku jira ee dadka qaar xisaabinayaan shilimada kasoo geli kara saldhiga waa in dadka sidaa dhow u fekeraya aan lagu darin kooxdaasi.


 

 

Waxaanad hurayn hora loo yeelaa, Somaliland waxa la gudboon inay arrinta ka badheedho oo ta Ethiopia doonayso ee marin baddeedka ah gorgortanka kaga bilowdaa. Aqoonsiga ka dib, waa in dhul -dhul lagu bedeshaa oo khariidada labada dalba wax lag bedelaa. Labaatan kilo mitir oo Seylac corridor ah waa ku bedelan karnaa 119,000sq km oo Hawd and Reserve Area ah. Arrintaasi waa arrin taariikhi ah oon dhiba badan yeelanayn.


 

 

Maadaama inta heshiiska DP World jiro aan deked kale dalka laga dhisi karin, waxa dhici karta in Ethiopia soo jeediso in marka hore saldhigga milateri laga kireeyo. Wax kasta oo dhaca goobta saldhigu waa inaanay noqon meel dalka dhexdiisa ku began sida Lughaya, Bulaxaar ama Berbera maadaama saldhigga iyo halka ku began xadku isku xidhmayaan, marinkaasina uu noqon doono meesha ay Ethiopia ku gorgortami doonto mudada kiradu markuu dhamaado.


 

 

Waraysigii madaxweyne Bixi ee todobaakan waxa ka soo baxay in madaxweynuhu u arkayo saladhig Ethiopia laga kireeyaa inuu la mid yahay saldhigyada dalalka kale laga kireeyo.Waa inaan ogaanaa in aanu saldhig waddan aan jiraan nahay aanu sina ula mid ahayn saldhig Maraykan amd Ruush ama Emaarati oo ah waddamo qaarado kale deggen oo saldhigyadooda kasoo gelidhinaca badda iyo cirka halka saldhigga Ethiopia meesha ugu weyn ee laga soo gelayaa ay tahay dhinaca dhulka.


 

 

 

Haddiba ay kiro noqoto, iyana saamiga Ethiopian Airlines, oon meelo badan ku arkay, waa inaan lagu dagmin. Ethiopian Airlines waa public enterprise saacad kasta la privatise garayn karo ama sida shirkadaha diyaaradaha lagu yaqaan si fudud khasaare u geli karta ama u musalifi karta.

 

 

 

Wa bilaahi towfiiq

 

 

Fahmy Abdillahi

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...