Falanqaynta Waraysigii Md. Biixi ee 24.01.2024. XOGGAA XAQ AH

0
Saturday January 27, 2024 - 10:48:32 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqaynta Waraysigii Md. Biixi ee 24.01.2024. XOGGAA XAQ AH

    dawladda Soomaaliya waxay sheegatay inay xukunto badda Somaliland,..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dawladda Soomaaliya waxay sheegatay inay xukunto badda Somaliland,..


Waraysiga waxa m/weyne Biixi la yeeshay TV-ga dawladda ee Somaliland Television (SLTV). Haddaba waraysigii sidan ayuu u dhacay. Waxaana faalada barbar wada daawade reer SL ah (isagoo hoos isu la hadlaya).


 

SLTV: m/weyne, bal nooga warran is-fahamkii adiga iyo R/W Abiy dhexmaray?

Biixi: dee Xabashidu bad bay muddo dheer ku taamayeen, annagana ictiraafkii baa nagu dheeraaday. Wuxu hayey iyo waxaan hayey baanu is-dhaafsanay. Danahayaga dee.



Daawade SL: malaa duqu waxaanu garanayn in ictiraaf iyo bad kala qiimo weyn yihiin.


SLTV: dawladda Soomaaliya waxay sheegatay inay xukunto badda Somaliland, maxaad arrintaa ka leedahay?

Biixi: Xamar way ogtahay, addunkuna wuu og-yahay inaynu labo dal kala nahay, addunkana waynu la kala macaamilnaa, mid ba goonidiis, waxba isuguma keen jiraan. Hadday xoog hayaan dagaal bay soo qaadi lahaayeen.


Daawade SL: Hadday sidaa tahay oo macaamilka diplomacy ee Xamar oo kale haysano, maxaynu ictiraafka uga baahanay oo baddeena u bixinaynaa!


SLTV: Xamar Somaliland shaqo kuma laha, sow maaha?

Biixi: Haa. Xoog ay ku yimaadaan ma laha. Haddii kale way inagu soo duuli lahaayeen.

Daawade SL: gartay. Duqu wuxu aaminsan yahay xoogga. War bal ii wad sheekada.


SLTV: shirkii Jabuuti Xasan Sheekh waa isku raacdeen in la kala ahaa labo dal oo 1960kii midoobay?Haa, wuxu leeyahay waa tii la midoobay; anna waxaan leeyahay waa tii duntay.


Daawade SL: talow miyaan duqa loo sheegin dawlad baa duntee, inaanu dal dumin! Sow kuwan kursigii UN-ta ku fadhiya.


SLTV: maxaad ka odhan lahayd hanjabaaddii m/weynaha Masar, Siisi iyo jaamacadda carabta?

Biixi: ma xoog bay carabtu haysaa. Xooggay hayaan, may Gaza wax ugu taraan.

Daawade SL: wallaahi duqu wuxu jecel yahay xoogga. Bismillaah.


SLTV: ganacsatada Somaliland waxay leeyihiiin gancasigayagii buu is-fahamkii Abiy xidhayaa, maxaad ka odhan lahayd arrintaas?


Biixi: way is-diidsiinayaan. Way caddahay. Saldhig baa laga kiraynayaa, laakiin Berbera ayey alaabada Ethiopia ka soo degaysaa. Aqoonsiga iyo saldhiggana isku mar ayaa la kala saxeexanayaa.


Daawade SL: wallaahi waa kaa odaygiu Abiy ku wacad furay. Laakiin werwer ma leh Biixi baa ka xoog weyn.

SLTV: m/weyne heshiisyadii Xamar lala galay ma fuleen? Mise way ka baxeen?


Biixi: Haa, way ka baxeen heshiiskii wadaagga hawada. In UN-tu inoo wada dhiibto ayey ahayd. Silaanyo ayaa ka il-duufay.


Daawade SL: talow SL ma kursi baa UN-ta laga siiyey! Malaa anigaan ogeyn. Laakiin werwer ma leh, Biixi baa ka xoog weyn UN-ta.

SLTV: m/weyne, bal ka warran doorashada SL goortay qabsoomayso?


Biixi: Cirro ayaa dib u dhigay doorashada, ila meerayso ayuu geliyey. Xisbiyadani miyaanay ahayn kuwii aan 2017kii haduudh-laha ku daray.


Daawade SL: ila maarayso aa? Magacaa miyaan awal isaga loo biixin. Iska daa se, waan gartee, isagaa ka xoog weyn Cirro iyo xibiyada ba e'. Waa runtii xisbayadu ma ciidan bayleeyihiin!


Daawade SL: m/weynahayagu isagaa cid kasta ka xoog weyn: Maraykan, Masar, UN-ta, Jaamacadda Carabta. Maxay se kuugu taalla isna Dhulbahante ayaa ka sii xoog weyne. GoojaCadde.

 

M A Ahmed

Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...