Marka Hebel La Magac Dhabo, Baa Reer Hebel Damqanayaa ( Abdi-shotaly).

0
Sunday July 07, 2019 - 15:38:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marka Hebel La Magac Dhabo, Baa Reer Hebel Damqanayaa ( Abdi-shotaly).

    Allay lehe tan baa shadaafaha laalaabatay, oo iyaddii cidhib-teeddii dib isu calaashatay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allay lehe tan baa shadaafaha laalaabatay, oo iyaddii cidhib-teeddii dib isu calaashatay,

 iyadda oo sidaas ah bay hadana, la yaabka aanu aragnay, misana doonaysaa in ay mini-mini iyo indho sarcaad, aad isla wadda garanaysaan kaaga hoos baxaan, siday kaa caqli wacan yihiin, oo waxay ku meeraysa-nayaan inta badan, oo ay ku af-gobaad-sadaan Somaliland baa wax la yeelayaa, iyaka oo hoosta ku haysta reer hebel tii ugu xumayd oo meel hoose ka damqanaaya, in aad rasuulo soo daahirey iska soo dhigtaan, oo aanu idinka yeelaa, waa habeenkii xalay tegay iyo ciddii la marsiin karo. Ciiro la isku qariyaa iyo ceeryaamo la dhex huluushaa, waxay ka dhigan yihiin, riyihii iyaka oo ay qaawan tahay cawradoodu, misna idaha ku qosla, waa marka kii ceebta lahaa, ee meel u fayoobi aanay jirini, halkii uu ka dhuuman lahaa, uu yidhaaho sidaas baan weliba ku soo indho cadahay ( Sidda Askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximanka, misana siddii wadaad biyo uu ku waysaysto waayey, oo inta uu dhulka qoday ku gegebaystay boodh iyo habaas, ay doonayaan in ay midab kale kuula yimaadaan, kuuna sakhiraan qabyaalad beelaysan, oo ay ku hadoodila-yaan wax ay ku sheegaan qaranimo aan meesha oolin, iyaka oo ah kuwa burburiyey, welina ku socdda wixii Somaliland halkaa dhigay.



Macalin/Abwaan gaariye (Ihun), baa isaga oo ka hadlaaya, mid mas beelaysan hoosta ku haysta, hadana weji been ah, oo uu ku sheegay wadaninimo dadka ku khaldaaya ka gabyey, isaga oo caday-naayaa waxay ay ku andacoonayaan in uu yahay wax aan jirin, sal iyo raad-na aan lahayn, marka aad ku tidhaaho waar waa khaladan yahay hebel, oo ay isku xaafad yihiin, budhka soo qaadanaaya, oo halkii uu ka qaban lahaa, weliba garab sii siinaaya, hadana diidaaya in lays ku cadeeyo, doonaaya uun in uu tiisa kaaga dhigo qaranimo, taada-na reer ku sifeeyo, isaga oo Abwaan Gaariye arima-haas si wacan inoogu qeexaaya, baa wuxu yidhi " Marka hebel la magac dhabo, baa reer hebel damqanayaa, Markaad hebel duqaysaa, laga daba qufacayaa" Macnahu waxa weeye, kolka mid maamul ku jira la yidhaaho, waxa uu wadaa xumaan iyo musuq-maasuq, eex iyo qabyaalad weeye waxa uu ku shaqaynayaa, oo ummadda uu xilka u hayo uma sina, dhabna ay tahay ( Sidda noocan ina hor tuban) ee aan wax kale aqoon,weliba sidaas oo ay tahay, cuqdad iyo ciil qab u dheer yahay, baa mid ay isku xaafad ka soo wadda jeedaan, halkii uu ka sixi lahaa, una caqli celin lahaa, uu odhanayaa reer hebel baa wax laga sheegayaa, ama hebel qabyaalad baa loo haystaa, oo laga daba qufacayaa, taas cayn-kaas ah baa rabta in ay meel isu raacdo. ee wax dhici kara ma tahay?


Marka aynu runta isku qarxino, is taabsiino xaqiiq-dda, Kii diidani ama qarsato ahi, derbiga madaxa ha ku dhuftee, waxay ahayd Beesha Isaaq oo qudha, bal ha soo baxo ka ku doodayaa cid kale baa ina wehelin jirtay, ama imika-ba ina wehelisa? Waa laguu mina fadhiyaaye, ilaa imika lama hayo beel kale oo taageerta magaca lagu tuntay, ee hunguriga loogu shaqaysto ( Waa Somalilande). Magacii keli ahaa ee lagu shiraakoobay ( Waa Isaaqe), wuxu noqday kuna dambeey mid been ah, oo isu hoos gelis iyo hawaa'i xaal-kiisu noqday, oo ay in yari ku maxaafsato, Akhristaw tiina la isku ogaa, oo ma jirto, mana dhacayso, dib dambana loo maqli-maayo tolaay yaa isaaqaay ka soo kacaaay, oo kaas gunta baa la soo xaadhay, cid dafri kartaana ma jirto, ay aaseena labadda askari ee dhegaha xidhani, xaalku wuxu marayaa dooni yahay waa kugu jirnaa nala jab, bal cidda wax ku waayeysa, iyo ka ay sidaas ugu dhasho, waa la kala ogaan doonaa wakhti an fogayn. waxan ku soo dabray maqaalkan, Somaliland galbatay, waxana iil ka yar u qoday askariga iyo kuwa uu sheegay Macalin Gaariye ee ka daba qufacaaya.

* N.B Talo Xumaani Waa Caqli Xumaan!

Qore:- Abdi-shotaly.


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...