Shirarkii Dib U Heshiisiinta Somalia & Mawqifkii Jamhuuriyada Somaliland 1991 Ilaa 2024

0
Thursday January 25, 2024 - 21:21:22 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Shirarkii Dib U Heshiisiinta Somalia & Mawqifkii Jamhuuriyada Somaliland 1991 Ilaa 2024

    Xaaladuhu halkay marayaan waynu la soconaa ee tolow maxaa xigi ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladuhu halkay marayaan waynu la soconaa ee tolow maxaa xigi ?

 




Markii ay burburtay dawladii dhexe ee Somalia dalkana ay la wareegeen jabhaduhu waxa shirkii ugu horeeyey ee Somali dib u heshiisiin loogu sameynayo lagu qabtay Djibouti , ( 5 -11/June 1991 ) waxaana ka qayb galay jabhadaha SSDF , SPM,USC,SAMO,SNU,SDM oo ahaa inta koonfur Somalia isku haysatay.



 

Shirkaasi waxa aan ka qayb galin SNM oo waqooyi qabsatay oo xiligaasi lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada jamhuuriyada somaliland, waxaana si cad looga sheegay madasha shirka lagu qabanayey.


 

Haddana waxa shirkii labaad ee somalia loo qabtay dib u heshiisiinteeda lagu qabtay Djibouti , ( 15-21/July 1991 ) waxaana loo qabtay isla lixdii urur ee kala ahaa SSDF , SPM , USC , SAMO, SNU , SDM shirkaasi waxa lagu cadeeyey in aan ururkii SNM goob joog aheyn oo ay dalkoogii kaga dhawaaqeen dawlad.


 

Dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska somalia waxaa loo qabtay ilaa 14 shir oo isugu jirey shirar waaweyn oo soomaaliya loo qabanayo iyo heshiisyo is af garad siyaasadeed ah oo hogaamiye kooxeedyadii iyo siyaasiyiintii horjoogeyaasha ka ahaa Somalia lagu heshiisiinayey kuwaasi oo ka kala dhacay ;


 

1- Djibouti 1991 june ( Dawlada Djibouti )

2- Djibouti 1991 july ( Dawlada Djibouti )

3- Adis-ababa 1993 Jan ( United Nations)

4- Adis-ababa 1993 March ( UN iyo dawlada Ethiopia)

5- Sodare 1996 Nov/1997 Jan ( Dawlada Ethiopia )

6- Qaahira 1997 ( Dawlada Masar )

7- Arta May/Aug 2000 ( Dawlada Djibouti )

8- Eldoret/Mbaghati 2002/2004 ( IGAD iyo Dawlada Kenya )

 

Waxaa jirey iyaguna kulano lagu heshiisanayey siyaasiyiinta iyo hogaamiye kooxeedyada Somalia oo kala ahaa


 

1- Nairobi 1994 Kenya ( UN )

2- Nairobi 1996 oct Kenya , Aideed, Osman Atto , Ali Mahdi ( dawlada Kenya )

3- Yemen 1997 , Hussein Aideed iyo Osman Atto. ( Dawlada Yemen )

4- Nakuru 1999 ( government of Kenya )

5- Khartoum 2006 TFG iyo ICU ( Jamacada Carabta ).

6- Djibouti 2008-2009 TFG,ARS ,Djibouti ( UN )


 

Shirarkani midwaliba waxa ku qoran halkii lagu qabtay cida maal galisay iyo qaybihii ka qayb galay,shirarkaasi waxa ay isugu jiraan qaar loo qabtay ururadii jabhadaha, dadka soomaaliya iyo qaar loo qabtay hogaamiye kooxeedyadii iyo siyaasiyiintii xiligaasi isku hayey talada.


 

Laba shir oo midina dhacay 1994 oo uu Nairobi ahaa midina dhacay 1999 oo Nakuru ka dhacay oo labaduba Kenya ahaayeen ayaa waxa markaa iyo haddaba jira in la tuhunsan yahay in siyaasiyiin iyo madaxdii Somaliland si dadban uga qayb gashay laakiin la isku fahmi waayey ajendaha iyo ujeedadaba.


 

Shirarkaasi waxa ka muuqata tacabka iyo dedaalka ay dawlada Djibouti ugu jirto dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska Somalia iyo tacabka ay la daba taagnayd mudadaa dheer ee hagar la'aanta ah oo la odhan karo waxaa wada damqasho, kalgacayl iyo somalinimo.


 

MAWQIFKA SOMALILAND IYO SHIRARKA SOMALIA WAXII KA HOREEYEY 2012 .

 

Jamhuuriyada somaliland laga soo bilaabo shirkii ugu horeeyey ee ururadii jabhadaha loogu qabtay Djibouti 1991 ilaa shirkii Embaghati ee Kenya 2004 waxaa somaliland ka istaagtay mawqif cad oo ah in aanay qayb ka aheyn shirarkaasi shirwalbaba war murtiyeedka waa lagu soo saarayey in aanay ,SNM , Jamhuuriyada Somaliland ama waqooyi ka mid aheyn shirarkaasi.


 

Shirkii London ee 23 Feb 2012 ayaa aduunku waxa uu ka soo saaray war murtiyeed ka kooban 26 qodob oo uu qodobka 6aad sheegayo in Somaliland iyo Somalia wada hadlaan oo ay markaasi matalaysay dawkadii TFG ee Sheekh Shariif hogaaminayey, waxaana qodobkaasi lagu xusay dawladaa markaa joogta iyo kuwa ka dambeeya waa Sida uu hadalku u qornaaye.


 

Maalintaasi waxii ka dambeeyey waxa is badelay mawqifkii Somaliland iyo qaabkii Somalia loola xidhiidhayey, waliba isaga oo caalamku dabada ka riixayo ayaa Somaliland lagu qasbay in ay waxii shuruuc uga yaalay ee ka hor istaagayey wadahadalada Somalia in meesha laga saaro.


 

Jamhuuriyada somaliland sidii bay yeeshay way u diyaar garowday waxaana la bilaabay wadahadaladii ay Somaliland iyo Somalia wada yeelan lahaayeen oo kulankii koowaad lagu qabtay UAE , waxaa sidoo kale sadex goor lagu kulmay Turkey, halka laba goorna lagu kulmay dalka Djibouti dhamaantood wax midho dhal ahi kama soo bixin waxii lagu heshiiyeyna ma fulin.


 

Qodobka 26naad ee gunaanadka shirka London ayaa waxa lagu xusay in waa cusub oo siyaasada Somalia ahi baryey, lana rajeynayo in Somalia nabadi ka dhalato oo dadka soomaaliyeed si dhow loola dareemayo damaqa dawlad la'aanta , waxaa aduunku uu balanqaaday in uu laban laabayo dedaalada Somalia ay mustaqbal wanaagsan ku gaadhayso.


 

HALKEE LA JOOGAA MAANTA , MAXAA WADAHADALADII KA QALDAMAY , DEDAALKII DUNIDU HALKUU KU DAMBEEYEY?

 

Wadahadaladii Somaliland iyo Somalia waxa ay ahaayeen qaar la galay xili aan haboonayn oo lagu deg-degay dawladii Somaliland waxa ay tix-galisay doonista iyo dedaalada aduunku waddo oo ay wax walba ka hor marisay, sidoo kale ay dabarkii shuruucda ee dalka uga qaaday, si wax waliba hore ugu dhamaadaan.


 

Wadahadaladii la galayey waxaa ay noqdeen qaar aan aduunkii soo jeediyey ku lahayn wax dul ka eegid ah ( over view ) waa sababta keentay in aanay ilaa maanta natiijo ka dhalan,sidoo kale waxa ay si siman u miisaami waayeen danihii labada dhinac oo markii yididiilo muuqatay ayaa ay faraha ka laabteen.


 

Labadii Shir ee ugu dambeeyey ee Djibouti lagu qabtay waxa lagu heshiiyey in wadahadaladii la sii wado gudiyo la sameeyo ka shaqeeya sidoo kale la dhaqaajiyo wax walba oo caqabad ku ah na la joojiyo ilaa maanta meel uu ku dambeeyey lama yaqaano.


 

Xaaladuhu halkay marayaan waynu la soconaa ee tolow maxaa xigi ?

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...