Saldhiga Maraykan Ee Jabuuti Waa Nus Kilomitir Ka Shiinahuna Ka Sii Yar

0
Thursday January 25, 2024 - 21:16:03 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhiga Maraykan Ee Jabuuti Waa Nus Kilomitir Ka Shiinahuna Ka Sii Yar

    Ha leys jiro, wada tashiga ha la ballaadhiyo iyo aragtida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ha leys jiro, wada tashiga ha la ballaadhiyo iyo aragtida.



Waxaan la yaabay 20 km ee sida hawsha yar nin keliye dalka u bixiyey. Bal google gareeya oo baadha saldhihyada dawladaha waaweyn ee Jabuuti waxaan ogaan doontaa sida taxadirlka leh iyo waddaniyadda ee dalkaas yari dhulkiisa ku badbaadiyey. Waxuu diiday dalabka Ethiopia iyagoo dhaqaale ahaan xoog ugu tiirsan Ethiopia badelkii waxuu saldhigyo siiyey dalal badan oo iska soo hor jeeda si uu u sugo nabadiisa. Waxa uu bixiyeyna waa dhul yar oo xadidan iyo lacag naqad ah oo cad.



Dhulka saldhiga ee uu siiyey Maraykan waa Nus kilo mitir yacni 0.5 km ooy digi karaan 5000 askari. Shiinaha waa 0.35 km


Haddaba maxay tahay in Ethiopia oo ah dal aan bad lahayn loo siiyo saldhig ciidan. Maxaa 20 km looga jeedaa.


1. Lbatan Km. waxa ku jira macdan iyo shiidaal iyaga leh oo maba arkeysid.

2' Waxay ka higelinaysaa dhul free zone ah iyo Deked, dib u arkimeysid maalinta ay dhisanto wax ay Berbera ka soo dejiyaan. Dhulkaaga ayey bilaash ku adeegsan doonaan.


3. Kama maarmaan waqtiga dhow Jabuuti, kolkaas hadday Jabuuti ogolaato inay kharashka ka dhinta ay maanta ka qaado, waa suuragal in cirka laguu tuuro


4. Kolka muddadu dhammaato meys weydiisay halka ciidanka aan bad lahayn tegi doono/

5. Madaxweyne Muuse waxuu saxeexay qodobadii laga doodi lahaa oo dhan ma aha MoU ee waa heshiiskii oo iska dhan. Waxuu saxeexay Muddada oo 50 sano ah, waxuu saxeexay saldhig ciidan, waxuu saxeexay inaan kaash jirin ee share waraabo taag ah laga siin doono Ethiopian Airline amba Ethiopian Telecom. Labaduba ay hore Jabuuti u diiday, waayo ma aha shirkado caalami ah oo shre kooda suuqyada caalamka laga iibsado,


Waan ogolay waana wax wacan inaynu heshiis ganacsi iyo maalgasho la galno Ethiopia oo horeyba Berbera ayeynu ula galnay, waxa se ugub ah saldhiga ciidan oo leh cabsi badan dhinaca walba. Maxay Ethiopia uga baahantay ciidan badeed...waxa muuqata inay cid kale dabada ka riixayso iyo meel durugsan oo amni darro ka dhaliN Kerto. Dunidu sidii hore ma aha oo waa leysu xoog sheeganayaa dalal badan oo ka macaasha colaadda ayaa jira oon inaga fogayn, iyo colaadda Bariga Dhexe oo meelo badan gaadhay.

Ha leys jiro, wada tashiga ha la ballaadhiyo iyo aragtida.

Somaliland guul iyo gobannimo.

Ali Jama

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...