Udhiidhi dhulkeena

0
Thursday January 25, 2024 - 21:08:29 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Udhiidhi dhulkeena

    Gadgadoonka Sooyaalka iyo Gadaal soonoqodka taariikhda Madow!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gadgadoonka Sooyaalka iyo Gadaal soonoqodka taariikhda Madow!.



Aduunku waa goob Weyne, Guulle, Allaheenu u qoondeeyey in Aadamaha lagu Jirrabo ama lagu imtixaano, Waayo? Hadii fiiro aad u yeelato waxyaabaha ka dhacaaya dunida guudkeeda, dhab ahaan ayey wax kasta kuugu muuqanayaan oo aad si sahlan aad u daalacanaysaa in aduunku yahay goob laynagu imtixaanaayo.



 

Hadaba dhacdooyinka Aadamaha ku asiiba dunida guudkeeda, hadii lagu cimro qaato oo laga Waantoobo ama laga taxadiro wixii sababay dhacdadaa, waxa hubaaltinimo ah in aanay dhacdadaasi Dib u soo laaban, ileen marka la dhugto ee la dhaado lagana dhowrsanaado wixii dhaliyey , waxa hubaaltinimo ah in dhawrsanaanta laga foojignaado in masiibadii kaaga noqonayso balaayo xijaab.


 

Hadaba waxay ahayd 26-06-1960 kii markuu Isticmaarkii ka kacay Jamhuuriyada Barakaysan ee ay noqotay Dal curdin ah oo dalalka dunida kusoo biiray, nasiib daro dadkii waagaa Ummada hormoodka u ahaa, ha ah aadeen aqoon yahan Madax Dhaqameed iyo dadkii isticmaarku rayigiisa ku kobciyey ee uu ku shubtay, waatii arimis aan loo saldhigin ee Waxna laga doodin waxna lays weydiin, ee habeenkii calanka laheley, Habeenkii ku xigtay waatii lala guday ee Xamar la geeyey, hada ogow Xamar maysoo dalban in calanka lookeeno!, Maxay dalbadaan iyagaaba isticmaarkii weli ku hoos jiray!.


 

Dhacdadaa wixii Jamhuuriyada Barakaysan ka gaadhay ruuxii caglisan wuu ogyahay nacasna loo sheegi maayo!.

 

Hadaba maanta oo Jamhuuriyada Barakaysani jirtay in ka badan intay isku dhiibtay Soomaaliya ayaad moodaa inaan Sanado ayaanu jirnay mooyee wax koboc garraad San aanu inoo kordhin, waayo? wax wada lahaansho, wadaninimo, wada xaajood dhexdeena ah, iyo wada arrinsi wada tashi iyo rayi wadaag qorshe midaysan sida looyeesho ee laga yeesho masiirka Dalka iyo Dadka toona ma naqaano, oo dalkii Tabtii 1960 kii iyada oo Dood iyo kawada arrinsi iyo isla eegid iyo Dal wada lahaanshihii inta hadana la baal maray, ayaa laga dhigay sidii Boqortooyo qoys leeyahay, waana wax aan la filanahayn oo kaba sii daran tii 1960kii.


 

Hadaba Qaladkii Lixdankii aynu galnay wixii inaga gaadhay ta maanta oo 2024kii ah inala soo gudboonaatay haday hir gasho way ka daranaan doontaan, waayo? Gaal Xabashi ah intuu kibir Baanay oo yidhi badiina Xoog iyo xeeladbaan ku qaadanayaa anaka oo hore Dhul iyo Dad idinka haysanay!, ayaa halkii in laga dhiidhiyo ama laga xumaado oo laga cadhoodo ahayd ayuu Kornayl Muuse Biixi intuu guday isaga oo wada tashi iyo Dood qaran laga yeelan oo xitaa deegaanka xabashigu damcay, Dadkuu Alle ku dhaliyey waxba yahay kasoo qaaday siday yihiin Xoolo ayuu Baddii iyo dhulkii Hooyo ee Ummada Islaamka ah, gacanta gaalkii axmaarka ahaa u dhiibay, Waar ma baloodh reer Biixi leeyihiin baa!.


 

Kornayl Muuse Biixi Dalka Dhaar kuma Igmana uu Madaxweyne ku ahaado, Maxaa yeeley mudo xileedkisii wuu dhamaaday, Dhul iyo Bad ay leeyihiin inta nool iyo inta dhalan doonta ilaa qiyaamaha, sida baloodh uu leeyahay Gaalka Xabashigan ah masiinkaro, Jamhuuriyada barakaysani waa Dal Dimuqraadi ah Waxaan laga doodin oo laysku raacin cidi iskama saxeexi karto, waa sidii salaad inta la xidho Judhiiba inta la Fadhiisto Atixiyaadka la akhriyo!.


 

Hadal iyo dhamaan wixii Lixdankii la sameeyey waxa maanta Kornayl Muuse Biixi oo Cudidii SODONKA sanadood la dhisaayey Saacad lagala wareegay oo aanay ka Hadal isaga iyo Nuux Taani. Ayey maantana Xabashi Macatabad sidatay dhulkii barakaysnaa ee dhaxalka Islaamka ahaa uu isaga oo Cid waxba iskaga tirinahayn uu gaalo iyo Asxaabul-fiil soo dejin rabaa? Hubaal waa Gadgadoonka Sooyaalka iyo Gadaal soonoqodka taariikhda Madow, se ciddii ogolaataa hubaaltinimo Dayuus iyo Gaalo ka liidata!.

 

Alle wuxuu ina faray

 

Inaynaan Aaminin gaalo.

 

Khadar Hooyoley

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...