Fahamka Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

0
Thursday January 25, 2024 - 21:04:26 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fahamka Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

    Hadaba halkan waxaan kusoo gudbinayaa qaybaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba halkan waxaan kusoo gudbinayaa qaybaha



WQ/ Fadxi Garaad Ciise (Greenford)

 

Hordhac

_________

 

Somaliland iyo dalka itoobiya ayaa abuuray xidhiidh taariikhiya (01/01/2024) oo labada dhinacba ay ka helayaan faa'iidooyin waaweyn oo dhaqaale, iyo diblomaasiyadeedba, xidhiidhkan furan iyo heshiiskan is-faham ayaa noqon doona mid u gogol xaadhayaa sidii labada dhinacba kor ugu qaadi lahaayeen dhaqaalohooda iyo saamayntooda diblomaasiyadeed iyagoo is waydaarsanaya maalgashi toosa, iyo xidhiidh dhaqaale oo weyn

 

Hadaba halkan waxaan kusoo gudbinayaa qaybaha ay iska kaashan karaan labada dhinac ee maalgashi isla markaasna u furan, ganacsatada iyo dawladaha labada dhinacba si loo sii xoojiyo wax-wada lahaanshaha iyo dhiiri gelinta maalgashiga si gobolka looga dhigo mid qaniya oo gaadhay isku filnaansho iyadoo laga faa'iidaysanayo khayraadka labada dhinac si loo dhiso mareeg isku tiirsnaan dhaqaale iyadoo loo maryo heshiiskii uu madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland lasoo saxeexday dalkaasi.

 

Xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee Somaliland Iyo Itoobiya

_______________________________________________________

 

Labada dal malaha xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmiya waxay leeyihiin (Informal Diplomacy) balse labada dal ayaa midba midka kale ku leeyahay xafiisyo diblomaasiyadeed Itoobiya waxay Qunsuliyad ku leedahahay Somaliland (Consulate) halka ay Somaliland ku leedahay xafiis wakiileed (Representative office) kuwaas oo lagu fududeeyo danaha diblomaasiyadeed ee labada dal iyo sidoo kale danaha muwaadiniinta labada dhinacba.

 

Noocyada diblomaasiyadda dadban ee ka dhaxaysa labada dal ayaa waxay kala yihiin

__________________________________________________________

 

Diplomatic Conferences: waxay Somaliland iyo itoobiya wadaagaan diblomaasiyada kulamada, oo saraakiisha, madaxda dawladda, metelayaasha xafiisyada diblomaasiyadeed, wufuuda labada dhinac iyo xubnaha farsamo ee haayadaaha dawlada labada dhinac ay wadaagaan, kulamo xaaladeed toosa

 

• Diplomatic Visits: Booqashooyinka madaxada ka kala socota labada wadan, iyo booqashooyinka sadex geesoodka ah, ee lagu booqdo labada dhinac, oo leh wajiyo dab-badn oo diblomaasiyadeed iyo kuwo furanba

 

• Citizen Diplomacy: waxaynu leenahay xidhiidhka diblomaasiyadda wakiilka wadaniga ah ee labada dhinac kuwaas oo ay metelayaashu kala yihiin arday, ciyaartoy, jaaliyado kala duwan, dalxiisyaal joogta ah, iyo xidhiidhiyaal diblomaasiyadeed

 

• Medical Diplomacy: xidhiidhkan waxaa loo maraa janelka caafimaadka iyadoo bulshada Somaliland u tagaan caafimaad dalkaasi, (in Economy medical Tourism)

• Economy Diplomacy: waxay leeyihiin iskaashi dhaqaale, maalgashi, heishiishyo dhaqaale oo laba geesooda (Bilateral trade Agreement) ganacsiyad soo dejinta, iyo dhoofinta dekeda Somaliland oo badeecooyink koobanlaga soo dejiyo

 

• Military Diplomacy: Waxa ay noocan diblomaasiyadeed ku eegtahay keliya (Cooperation Military Training)

 

• Commercial Diplomacy: Waxaa labada dal u dhexeeya diblomaasiyadda horumarinta iskaashi ee ganacsiga labada dhinac kaas oo ka tallaaba xayndaabka xuduudda, (Cross border Business Activities) islma markaasna qayb ka ah xasilaada dhaqaalaha labada dal, kor u qaadida hal abuurka ganacsiga, fududaynta labada dhinac ee muwaadiniinta ganacsatada ah

 

Taariikhda Xidhiidhka labada dhinac oo Kooban

______________________________________________

 

1. Xidhiidhka wakhtiyadii hore

 

Xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya waxa uu soo bilaabmay xilligii Saldanadda Adal iyo Xabashida. Xidhiidhka ka dhexeeya labada dhinac ayaa inta badan ahaa mid kacsan, wuxuuna ku dhammaaday qarnigii 16aad dagaalkii Itoobiya iyo Adal, wixii intaas ka dambeeyey waxaa lagu noolaa xasilooni

 

2. Xidhiidhkii Wakhtiyadii casriga ahaa iyo Dhexeba

 

Ka dib markii la asaasay 1982, Jabhaddii dhaqdhaqaaqa Waddaniga ahayd (SNM) waxay soo dhaweyn ka heleen oo la saftay taliskii Shuuciga ahaa ee Dergiga ee Itoobiya kana soo horjeeday xoogaggii Soomaaliya ee kalitaliyihii Siyaad Barre. Xidhiidhka u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ayaa guud ahaan ahaa mid wanaagsan iyadoo isu soo dhawaanshaha labada dhinac ay sababtay cadaawadda siyaasadeed ee kala dhaxays Somalia tan iyo markii Somaliland ku dhawaaqday gooni-isu-taagga May 18, 1991-kii.

Sannadkii 1994-kii, Itoobiya iyo Somaliland waxay gaadheen heshiisyo amni iyo kuwo ganacsi oo dhigayay iskaashi istiraatijiyadeed oo lagu ballaadhinayo qaybo kala duwan Heshiisyadaas waxaa ugu muhiimsanaa heshiiska dhigaya xidhiidhka diblomaasiyadeed ee aan rasmiga ahayn ee labada dal. Itoobiya iyo Somaliland waxay kaloo kala saxeexdeen (Extradition treats).

Sidoo kale waxay kala saxeexdeen heshiiskii berbera Corridor ee DP world qaybta ka ahayd

1-dii Jeenawari 2024, Itoobiya iyo Somaliland waxay kala saxeexdeen heshiis is- afgarad ah oo Itoobiya siinaya marin-u-helidda Badda Cas iyada oo loo marayo dekedda Berbera si ay u hesho aqoonsi.

 

Fursadaha Maalgashi iyo Mashaariicda la fulin karo

___________________________________________________

 

1. In itoobiya iyo Somaliland wada Sameeyaan jid tareen (Railway) kasoo ka bilaabmaya Addis illaa dekeda berbera (Iyadoo loo marayo Maalgashiga shisheeye "Foreign Direct Investment") (The-Somaliland and Ethiopia Railway 1500 mm (5 ft 55/10 in), Si loo furo isu socodka xadka labada dal ee dhaqa-dhaqaaqyada ganacsi dadkuna ay ka faa'iidaystaan oo laga sameeyo ku dhawaad dakhli gaadhaya $ 100 Milyan

 

2. In Hydro-electric Power ka itoobiya ay ka dhalinayaan webiga niilka laga dhigo (Public Private Partnership) oo la galo heshiis saddex geesooda oo dawladda itoobiya, ta Somaliland iyo ganacsatada Somaliland ee laydhka u dhexeeya loona sameeyo hal shirkad oo maamusha dhanka Somaliland, (Somaliland Investment Company) taas oo labada dal ka faa'iidaystaan lana siiyo saami dhan 30% Somaliland si dadku u helo laydh jaban oo la awoodi karo (affordable electricity Power) loona joogteeyo maalgashiga tooska ah, si dhaqaalaha labada dhinac u kobco.

 

3. In dekedda berbera loo soo raro ganacsiga itoobiya ee dhoofinta iyo soo dejinta (95%, of inbound and outbound trade from Ethiopia), si uu u' kordho dhaqaalaha labada dhinacba lagana dhoofyo dekedda berbera badeecadaha ay dhoofiyaan

- Export: (Coffee, Gold, Lether Products, Live animals, Oilseeds and Agricultural Products) lagana soo dejiyo badeecadaha kala duwan ee dalkaasi aadka usoodejisto

- Import: (Machenry and Aircrafts, Metal products, electrical materials, petroleum products, motor vehicles, chemical and fertilizer)

Si' Cashuur sanadeedkuna ay u noqoto ku dhawaad $ 2-Billion.

 

4. In magaalada wajaale laga dhiso (Inland Container Depot) si dhaq- dhaqaaqa ganacsi ee xuduudaha ka tallaaba kor loogu qaado ayna noqoto xarunta iyo xuddunta laga daabulo containerska badeecadaha itoobiya ku jiraan ee dhoofinta u diyaarka ah sidoo kalena kuwa lagasoo rogay dekedda berberaa, dhiska xarunta waa in laga dhigaa celcelis ahaan 5KM square si looga faa'iidaysto dhaq- dhaqaaqa ganacsi ee labada dalba oo uu noqdo dhaq-dhaqaaqa (Somaliland Custom in Wajale) mid soo xareeya dakhli badan, kaas oo lagu xidho (Modjo Dry Port in Ethiopia)

 

5. Itoobiya waxa ay haysataa 428,000 oo foosto oo kayd shidaal ah taas oo la xaqiijiyay ilaa 2016, iyada oo ku jirta kaalinta 98aad ee kaydka shidaalka adduunka waxana ay ka dhigan tahay in ay u dhiganto saliida itoobiya 0.000% kaydka saliida adduunka oo dhan, 1,650,585,140,000 foosto. Wadarta Kaydka Shidaalka ee Itoobiya ayaa ka yar xitaa hal sano oo saliid ah oo la isticmaali karo (27,010,000 foosto marka la eego 2016), taasoo Itoobiya ka dhigaysa mid aad ugu tiirsan saliidda ay ay la soo degto si ay u ilaaliso heerka isticmaalkeeda ee ku tiirsanaanta saliidda. Iyadoo taas laga faa'iidaysano waa in la maalgeliyaa kayd haamo (Large Capacity Storage Oil Tanks) oo cabbir ahaan gaadhaya (250,000 m³, 100,000 m³) Taas oo ay wada maalgashanayaan Somaliland, Itoobiya, loona marayo FDI iyo Domestic Investors ee labada dal, si loo kafeeyo suuqa saliidda ee itoobiya iyo Somaliland si wada jira.

 

6. In shirkadaha (Ethio Telecommunication) iyo shirkadaha dalka sida (Somtel iyo Telesom) loo sameeyo (Cooperation of Telecommunication Network) loona gaadhsiiyo adeega (Network 5G) shirkadda itoobiya maadaama ay dawladdu leedahay shirkadaasi loo sameeyo iskaashi dhaqaale oo toosa oo ay dawladda Somaliland'na uga hesho dhankeeda saami gaadhaya 20%.

 

7. Ethiopian Arline ayaa waxaa leh dawladda (state Owned Enterprises) waxay diyaaraddu saamiyo dhaqaale ku leedahay 49% Nigeria Air, 45% Zambia Airways, 49% Guanine Airways, 100% Mozambique, 49% Chad Airlines, iyo 49% Air Malawi. Dhammaan tiirarkaas dhaqaale ee ay klu taagantahay shirkaddu ee ay kasoo xaraysay dhaqaale gaadhaya 6.9 Billion of USD, haddii aynu ka helno saami waxay noqonaysaa $1.3 Billion. Inagoo fursasadaas ka faa'iidaysanayna haddii aynu Airportka (Berberba Airport) lagu maalgaliyo dhanka infrastructure- ka (Airport Parking Station) oo loogu talo galay in diyaaradaha aynu saamiga ku leenahay ka helaan parking ay ka duulaan iyo xarun (ground Control) laga maamulo, sidoo kalena looga faa'iidaysanayo diyaaradaha gaarka ah ee gobolka sida kuwa haayadaha caalamiga ahiyadoo laga qaadayo fiiyadan Kala duwan (Landing fees, parking fees, Handling Fees, Security Fess per-hour $100), Si looga helo dhaqaale wax-ku oola, waxayna kor u qaadaysaa dhaqaalha iyo isu socodka labada dal.

 

 

Geba-gebadii qodobadani waa mid dan weyn u ah' labada dhinac oo ay ku dheeli tirmayaan faa'iido wadaaga labada dalba, maaha kuwo hadda fuli kara se qaarkood,

balse soo jeedintoodu waa kuwo muhiima oo laga qaadan karo hadba kuwii muhiim ah ee si dhakhso ah loo fulin karo. (Lease Agreement Period) ka muddada ugu badani waa (99-years) hadii (50-years)ka laysku afgarto waxaa qaarkood la fulin karaa (Extension Agreement) ka dambe, waa haddii ay doonsitaasi ka timaado (Lessees) ka itoobiya


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...