Madaxweyne Degmada Faraweyne Ma Adigaa Handarabaya Mise Cid Kalaa Walaaqaysa? W/Q Osman Jama

0
Sunday July 07, 2019 - 15:05:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Degmada Faraweyne Ma Adigaa Handarabaya Mise Cid Kalaa Walaaqaysa? W/Q Osman Jama

    Degmada faraweyne ee gobolka maroodijeex ,waxay ka mid ahayd degmo sugayaashii 1960 madkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada faraweyne ee gobolka maroodijeex ,waxay ka mid ahayd degmo sugayaashii 1960 madkii
,xuduudaheeguna waxay kala ahayeen dhinaca oogada xadka somaliland iyo itoobiya ,kuna dherarin xududa xadka labada dal dhibaca galbeedk balayga abusite oo 4 km u jira degmada alaybaday ilaa bariga tuulada gumuraha dhinaca waqooyiga waxay ku eekayd tuulada ceel la helay


Degmadu sadex iyo sodonkii kursi baarlamaan ee somaliland 1960kii degmadani waxay ku lahayd 1 kursi barlamaan 

Wakhtigii halganka degmadani waxay ka mid ahayd meelihii dalka laga xoreeyey snm kalsoonida badan ku qabtay shacabkeeduna ahaayen wada halgama  Lagana xoreeyey magaalada hargeisa  Dadku libinta wey wada sheegtaan laakin degmadani somaliland abaal bay ku leedahay lakinse kamay helin 
Arimaha sida gaarka looga xusi karo waxa ka mid ah


18/01/1987 bixitankii ciidankii la magac baxay gaaska cad oo tiradiisu dhamayd 150 askari iyo taliyehogii mujaahid cumar jaamac saanadiisun u dhamaystirnayd dhamaantoodna ka soo jeeday degmadan


Bishii april 1987 degmadan waxa iskaga hayaamay dadkii deganaa oo ka soo horjeestay mamulkii afweyne una talaabay itoobiya halkaaana lagu qaabilay noqdayna qaxoontigii ugu horeyey ee reer somaliland ee itoobiya qaabisho waxayna dhanayeen ilaa 1500 qof 

1984 degmadani waxay ahayd xaruntii Snm ee aaga galbeed ahaydna tuulada lafta faraweyne ee degmadani


1989 degmadani waxay ahayd degmadii gogosha u fidisay oday dhaqmedkii guurtida somaliland halkaasna lagu aasaasay golaha guurtida somaliland 


Degmada caynkaas ahayd intii somaliland madaxbanaanida la so noqotay degmadan malinba maalinta la danbaysa waxa laga jarayey tuulooyin badan hada badankooguna yihiin degmooyin sida
Degmada bali cabane 
Degmada sayla bari
Degmada darasalaam

Hada oo la joogo waxa la isku dayey inkastoo lagu guulaysan in degmada la jaro tuulada dacarta oo hada loogu yeedho degmo iyadon haba yaratee wax shuruud degmo nimo aan buuxin  Taas micnahoogu tahay in lagu wiiqo awooda degmada iyo baaxada dhul ahaneeed  Degmada faraweyne wakhtiga doorashooyinka waa degmada kaliya ee la isku haleeyo cod badana siisay xisbiga kulmiye kana cod badan dhamaan degmooyinka hoos yimaada gobolka maroodijeex 
Intaaasi waa degmada arimaheega hadaba aan u soo noqdo maxa ku cusub degmada haaatan ,xaaalad nooce ah ayey ku sugan tahay


Degmada faraweyne waxa jira in la doonayo in la wiiqo degmo nimadeeda iyo baaxada dhul ahaaneed isla markaana ay ka wada shaqeynayaan xukuumada hada talada dalka haysa iyo niman aanu ognahay cida wadata iyo halkay ka socotaba hawshu


Madaxweynaha somaliland waxaanu leenahay madaxweyne degmadani waa degmadad ku dhalatay sharaf bY ka mudan tahay laakin inad dumiso kaamay mutaysan waa degmadii wakhtigii ololaha ducada ku qabatay codkiina adiga ku wada siisey


Madaxweyne waad la socota oo cidi kaagama war roona degmada faraweyne waa inaad degdeg wax u qabta arimaha ka taagan degmada ee ay ugu horayso maamul xumadu waa inaad madaxweyne cida doonayso inay degmada tuuloyin u kala qaybiso waa inad so qabata waad ogatahaye hadii kale cidna u daba fadhiisan mayno hadanu nahay qurbo joogta degmada faraweyne hadii degamda sidan laga dayn waayo ogow waa halkii laga so gali lahaa dadka degaankana waxanu ku qancini donaa inay dagalman oo cidii isku dayda inay ka shaqeynayso burburinta deganka inay la dagalman anaguna dhaqalaha ayaanu u so diri donaa  Wadankii oo dhan baa handaraaban maaantana ma faraweyna la handarabaya maadaxweyne   Baalayo madax la qabtay leedahay ee daba lama qabto ma leh ayan ku so ururinayaa maqaalkaygan

Osman jama
Social activist

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...