Hawd and Reserve Area vs Seylac

0
Wednesday January 24, 2024 - 10:12:44 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Hawd and Reserve Area vs Seylac

    In kasta oo xukuumadii Ingriisku ay markiiba samaysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In kasta oo xukuumadii Ingriisku ay markiiba samaysay


Fursadu marka ay timaado haddii aan laga faaiidaysan waxay reebtaa qoomamao aan hadhin. Hawd and Reserve Area waa dhul qiyaastii 119,000 kilo meter oo laba jibaaran oo ku teedsan xadka u dhexeeya Ethiopia iyo Somaliland. Waa dhul hore uga tirsanaa British Somaliland Protecrate kaas oon aan weligiis laga taagin calan Ethiopia ka hor 28kii February, 1956, xilligaas oo Ingriisku si aan ka fiirsasho lahayn ugu wareejiyey Ethiopia.



 

 

Faleclin xoog leh ayaa ka dhalatay wareejinta dhulkaasi. Maalintaasi 28 Feb. 1956, dhaqdhaqaaqii magaalooyinkii waaweyn sida, Haregysa, Burco, Borama, Berbera, Ceerigaabo, Laascoonood ayaa gebi ahaan la joojiyey, aradydii ayaa iskuuladdii ka dareertay dadkuna waxay madaxa ku xidheen weer cad oo ay ku miijinayeen murugadooda


 

 

In kasta oo xukuumadii Ingriisku ay markiiba samaysay isku day ay dib ugu soo celinayso Hawd and Rseve Area iyada oo u soo jeedisay Ethiopia inay Hawd and Reserve Area ku bedelato xeebta Seylac si ay u hesho marin badeed. Ethiopia oo wax yar xilligaa ka hor dalkeeda ku darsatay Eritrea oo markii hore loogu dhiibay ilaalin iyo xornimo gaadhsiin, taasoo dabooshay baahideedii badeed, soo jeedintaa Ingriiska way ka diiday.


 

 

Dhinaca shacabka waxa bilaabmay abaabul xooggan oo arrintaa loogaga daba tagayo. Waxa Ingriiska loo diray wafti miisaan culus leh oo ka koobnaa sallaadiin iyo aqoonyahanno arrintan ugala soo hadlaan xukuumadii Ingriiska ee xilligaa jirtay. Xubnahaasi waxay ugu horreyn lakulmeen wasiirkii mustacmaradaha, Mr. Alan Lennox-Boyd, kaas oo geeyey cabashadii waftiga Somaliland Proctrate golahii wasiirada ee Ingriiska oo 25kii June, 1956 dood dheer ka yeeshay wixii arrintaa laga yeeli lahaa.Sidoo kale waxa waftigu cabashadoodoo geeyaan baarlamaanka Ingriiska oo isna dood adag ka galay khaladka dhacay iyo sidy dawladda waajib ugu tahay inay wax ka qabato.


 

 

Markii waxa weyni uga qabsoomi waayeen London, laba ka mid xubnihii waftiga Somaliland ayaa u gudbay New York si ay cabashadooda u geeyaan Qaramada Midoobay, hadday ka fursan weydana horgeeyaan maxkamadda adduunka. Nassib darro maadaama aanay Somaliland ka mid ahayn Jimciyadda Quruumaha isla markaana aanay ahayn UN Trust Trusteeship, dadaaalkii xunahiisi muu noqon mid midha dhala.


 

 

Dadka reer Somaliland oo ay ka go’anayd in oo aan ka hadhin arrintaa ilaa laga saxayo, ayaa 19 May 1960kii wafti uu hoggaaminaayey Maxamed Xaaji Ibrahim Cigal ayna ka mid ahayeen Cali Garaad Jaamac, Axmed Keyse Xaaji Ducaale, Xaaji Ibrahim Nuur iyo Axmed Maxamed Adam Qaybe booqasho ugu tageen Boqor Xalye Salaase si ay aarinta dib usoo celint Hawd and Reseve Area ugala soo hadlaan. Boqorku arrintaa si la mid ah sidii hore ayuu uga gows adeegay.


 

 

Maanta fursad dahaba oo Somaliland dhulkaa ku gorgotami karto ayaa albaabkeena isa soo taagtay.Aan ugu ducyano madaxdeena iyo aqoonyahankeena xilligan inay yeeshaan aragtidii iyo garashadii dhiggoodii 1950skii, iskuna garab taagno sidii ay uga midha dhalin lahaayeen.

 

 

 

Fahmy Abdillahi

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...