Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Cirka Somaliya Oo Tababar Loogu Xidhay Qatar.

0
Tuesday January 23, 2024 - 15:54:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Cirka Somaliya Oo Tababar Loogu Xidhay Qatar.

    "Amiirka Dalka Qatar ayaa la wadaagay madaxweynaha taageerada iyo garab istaagga "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Amiirka Dalka Qatar ayaa la wadaagay madaxweynaha taageerada iyo garab istaagga "





Dooxa, Jannaayo 23, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Amiirka Dalka Qatar ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalanjabinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun, kuwaas oo tababarka dhanka Taakuleynta Ciidanka Cirka uu kaalinta koowaad u galay Cabdullaahi Xuseen Xasan oo ka mid ah Halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.  




Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka.



Amiirka Dalka Qatar ayaa la wadaagay madaxweynaha  taageerada iyo garab istaagga ay u hayaan dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo tilmaamay khatarta ay leedahay in Geeska Afrika iyo Badda Cas laga abuuro degenaansho la’aan saameysa xasilloonida dalalka iyo wada noolaanshaha shucuubta Gobolka.



Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay iskaashiga iyo xiriirka taabbo-galka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar ayaa uga mahadceliyey Amiir Tamiim Binu Xamad iyo Xukumadda dalkaas go’aanka walaalnimada ah ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo safka hore kaga jira dalalka walaalaha ah ee mowqifka cad ka qaatay faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay gobanimada Soomaaliya.


DHAMMAAD
Loading...
Loading...