Muraayadii Uskaga Lahayd.Cali Biixi

0
Monday January 22, 2024 - 10:25:24 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muraayadii Uskaga Lahayd.Cali Biixi

    markaasaa ay saygeedii Warsame ku tidhi :

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

markaasaa ay saygeedii Warsame ku tidhi :


 

Sheeko xikmad leh

 

 

 

Warsame iyo Weris waxay ahaayeen aroos cusub , waxaanay soo degeen gurigoodii cusbaa .

 

Waxay jaar la noqdeen qoys yar .


 

Hadaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa Warsame iyo Weris oo quraacanaaya ,

ayaa Weris waxay daaqadda ka aragtay gabadhii jaarkooda ahayd oo maryo wadhanaysa ,

markaasay inta ay Weris sare u qaylisay tidhi :



Bal eeg warsamaw naagtan maryaha uskaga leh wadhaysa ,

miyaanay garanayn sida maryaha loo nadiifiyo , waxay ahayd in ay saabuun fiican oo uskaga maryaha ka jarta ku maydho .


 

Saygeedii Warsame intuu eegay oo la yaabay buu iska aamusay .

Markasta oo ay gabadha jaarkooda ahi maryo wadhanayso , hadaladii bay ku soo celcelisaa .

 

Bil kadib ayaa waxay aragtay gabadhii oo maryaheedii wadhanaysa oo ay aad u nadiif yihiin una dhalaalayaan ,

markaasaa ay saygeedii Warsame ku tidhi :


Bal eeg warsamaw gabadhii jaarkeenna ahayd , way baratay sida maryaha loo maydho ee loo nadiifiyo , tolow yaa baray ee wax u sheegay ?

 

Warsame wuxuu xaaskiisii ugu jawaabay :


Saaka goor hore ayaan kacay oo daaqadda iyo muraayadaheenaba waan nadiifiyay .

 

Hadaba gabadhu maryaha ay wadhi jirtay nadiif bay ahayeene ,


ee muraayadda daaqadda guriga Warsame iyo Weris ayaa uskag lahayd (ahayd) .

 

Hadaba ujeedada sheekadani waxay tahay , inta aanad dadka kale dhaliilin ee aanad wax ka sheegin , bal wax hubso ama intaanad dadka kale xukumin bal horta runta ogow , ama wax u fiirso intaanad iska hadlin .


 

Waxaana jira waxyaabo badan oo aan ahayn sida aad u aragto ,

ama aad u malaynayso ,

ama aad u maqashay ,

ee had iyo jeer dhaliisha aanad hubin ha ku degdegin .

Muraayad uskag lehna wax haku eegin .

 

Cali Biixi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...