Xasan Sheekh Oo Lagu Casuumay Caleemasaarka Madaxwayne Siciid Dani.

0
Sunday January 21, 2024 - 14:57:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh Oo Lagu Casuumay Caleemasaarka Madaxwayne Siciid Dani.

    "waxana kamid ah xubnaha maanta gaaray halkaas Ra'isul Wasaarihii hore "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxana kamid ah xubnaha maanta gaaray halkaas Ra'isul Wasaarihii hore "


Magaalada Garoowe waxa ka socota qabanqaabada munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Dani oo dhawaan shan sano oo kale loo doortay in uu hoggaamiyo Puntland.



Madaxda tagaysa caleema saarka waxa kamid ah Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo waayadii dambe aanay isku fiicnayn Madaxweynaha munaasabadda caleema saarkiisu dhacayso.


Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo weriyayaasha kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in casuumad loo diray Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaan uu aqbalay ka soo qaybgalka caleema saarka Dani.


Labo diyaaradood oo sida wufuud ka qaybgalaysa caleema saarka ayaa maanta ka dagtay garoonka magaalada Garoowe, waxana kamid ah xubnaha maanta gaaray halkaas Ra'isul Wasaarihii hore Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, iyo xubno ka socday Maamulka Jubaland.


Xafladdaha caleema saarka ee Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in ay dhacaan galinka hore iyo habeenimada Khamiista oo ay bishu tahay 25 Janaayo.
Loading...
Loading...