Hirdanka Siyaasadeed Ee Gobola Geeska Africa Ka Socda Maxaa Faaiido Iyo Qasaare Somaliland Ka Dhaxli Doontaa?

0
Sunday January 21, 2024 - 10:49:04 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hirdanka Siyaasadeed Ee Gobola Geeska Africa Ka Socda Maxaa Faaiido Iyo Qasaare Somaliland Ka Dhaxli Doontaa?

    Sidii aynu hore u xusnay soomaaliya oo dadka soomaaliyeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidii aynu hore u xusnay soomaaliya oo dadka soomaaliyeed

Q2aad

 

Labadii maalmood ee ugu dambeeyay waxa soo baxay baaqyo ka soo kala baxay midowga Africa, Urur goboleedka IGAD, Jaamacada carabta ( Arab league) kuwaasi oo nuxur ahaan aad u kala duwanaa laakiin ujeedada laga hadlayey ahayd xiisada siyaasadeed ee Geeska Africa oo cirka isku shareertay ka dib markii heshiis is-faham dhex maray Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada federaalka Ethiopia 01-01-2024.



 

Haddaba sidee xaalku yahay, maxaa ay ku kala duwaanayeen baaqyada soo baxay aan ku horeeyo ;

 

1- Golaha Amaanka ee midowga Africa ayaa baaq ka soo saaray magaalada Addis-ababa iyaga oo ka walaacsan in xaaladaha Gobolka Geeska Africa noqdaan qaar dhaafsan dagaal diblomasiyadeedka socda , waxaana ay soo jeediyeen nuxur ahaan.


 

(B) In xaaladaha la dejiyo oo lagu soo noqdo xayndaabka shuruucda iyo xuduudaha midowga Africa sida uu yahay.


 

(T) in dawladaha Ethiopia iyo Somalia xaaladaha ku soo celiyaan sidii hore ee deris wanaagii , walaalnimadii ...

 

(J) Waxa ay uga digeen cidwaliba oo ka baxsan midowga Africa in ay ka daayaan xaaladahan wadamada kawada tirsan midowga Africa carqaladaynta.


 

(X) Waxa ay u saareen ergey isku soo dhaweeya wadamada xurguftu ka dhaxayso oo ah madaxweynihii hore ee Nigeria olosungu obasanjo.


 

2- Waxaa xigey ururka Jaamacada carabta oo iyaguna shir ay ku yeesheen muuqaal ahaan Qaahira kaga soo saaray war murtiyeed nuxurkiisu ahaa ;


 

(B) In soomaaliya lagu soo xadgudbay xuduudaheegii .

 

(T) Waxa ay cambaareeyeen heshiiskii is-faham ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Ethiopia , iyaga oo Jamhuuriyada Somaliland ku tilmaanmay qayb ka mid ah dawlada federalka soomaaliya.

 

3- Maanta shirkii aan caadiga aheyn ee IGAD waxa laga soo saaray warbixin dheer oo laba qodob qadiyada taagan quseeyaan oo kala ah ;


 

(B) in la ixtiraamo madax banaanida , midnimada iyo xuduudaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya, heshiis kasta iyo wax walba oo arimahani quseeyana in ay ku hirgalaan ogolaanshaha dawlada federalka soomaaliya.

 

(T) in dawlada federalka Ethiopia iyo dawlada federalka soomaaliya arimaha ku soo celiyaan xaalad deganaansho.

 

MAXAA KAAGA SOO BAXAY AKHRISTE ?

 

Bal aan kaaga horeeyo e waxa durba muuqday oo aan qarsoonayn dhawr arimood oo waaweyn;

 

1- Dagaalka siyaasadeed ee Ethiopia iyo Egypt oo toos u soo muuqday.

 

2- Soomaaliya oo ku gorgortamaysa maxaa anaga wax naloo weydiin waayey.

 

3- iyo midowga Africa oo si adag uga hadlay sheegayna in qadiyadani tahay arin iyaga u yaalla oo aan la ogoleyn faro galin kale .

 

SIDEE DAWLADAHA SOMALILAND, ETHIOPIA IYO SOMALIA UGA FAL CELIYEEN BAAQYADAN ?

 

Jamhuuriyada Somaliland waxa ay soo saartay war murtiyeed 11 qodob ah oo ay ku difaacayso xuquuqdeeda dawladnimo , taariikhda dalka, xaqa ay u leedahay in ay heshiisyo gali karto iyo in ay tahay dawlad madax banaanayd 32 sanadood oo caalamka oo dhami og yahay.

 

Sidoo kale in heshiiska jamhuuriyada Somaliland Ethiopia galeen la mid yahay heshiisyada saldhigyada ciidamada ee dawladaha gobolku dhamaantood kireeyeen , waxaana ay uga digeen soomaaliya in ay joojiso marin habaabinta iyo wararka been abuurka ah ee ay aduunka wareejinayso.

 

Waxa kale oo ay si mugleh ugu nuux nuux sadeen in soomaaliya iyo ururada argagixisada oo iskaashanayaa doonayaan in jamhuuriyada Somaliland dagaal lagu soo qaado oo amnigeeda wax la yeelo laakiin ay ka warqabaan , caalamkana u sheegayaan in Jamhuuriyada Somaliland tahay dawladii lagu yaqaanay amniga iyo xasiloonida mandaqada Gobolka Geeska Africa iyo marin biyoodka bada-cas ba.

 

Ethiopia waxa ay si weyn uga soo horjeedsatay warka Qaahira laga soo saaray oo lagu cambaareeyey dawlada federalka Ethiopia , waxaana ay soo saartay warbixin waxba kama jiraan ka dhigeysa waxa meeshaa laga soo yeedhiyey.

 

Soomaaliya waxay u riyaaqday Jaamacada carabta iyo Qaahira oo waxa ay diideen baaqii midowga Africa, sidoo kale shirkii Kampala oo 4 dal joogeen ayaan waxii ay ka filayeen uga soo bixin oo arinkii dul ka xaadis lagu sameeyey.

 

Haddaba ilaa hadda Jamhuuriyada Somaliland waxay ku taagan tahay guul , waxaa la isweydiinayaa su'aalo badan oo ah Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada federaalka soomaaliya saw kuwii wadahadaladu u socday ee la dhex-dhexaadinayey waa maxay dagaalkan iyo qayladan ka soo yeedhaysaa ?

 

Jamhuuriyada Somaliland xaqa ay u leedahay in la aqoonsado maaha mid soomaaliya ku xidhan cidina waxba ka weydiinayso maadaama shuruudihii iyo shuruucdii iyo xaqiiqo ahaanba ay buuxisay dhamaantood.

 

MAXAA JAMHUURIYADA SOMALILAND FAAIIDO UGU JIRO DAGAALKA DIBLOMAASIYADEED IYO HIRDANKA GEESKA AFRICA?

 

Jamhuuriyada Somaliland waxa ugu jirta faaiido weyn oo ah ;

 

1- Qadiyada jamhuuriyada Somaliland oo ah mid sharci ahaan dhameystiran oo aduunku in badan indhaha ka qarsanayey ayaa doodeedu soo baxaysaa.

 

2- Waxa aduunka u muuqanaysa in umad dhan jiritaankeegii iyo noloshoodii ay xaqa u lahaayeen ee Alle siiyey sidoo kale shuruucda xuquuqda aadamaha ee aduunku isla qaatey sida ( UDHR ) ku cad in lagu haysto.

 

3- Waxa daahu ka faydmay cadaawada , colaada iyo dagaalka jamhuuriyada Somaliland lagu hayey nus qarnigii ugu dambeeyay oo sababay in xasuuq isir tirtir ahi wadankan ka dhacay oo lagu laayey dad 200,000 kun oo qof ah 1980 ilaa 1991kii , xasuuqaasina waa mid aduunku aqoonsaday madaxda iyo dawlada federalka soomaaliya na qiraal tahay.

 

4- Waxa imanaya xal kama dambays ah maadaama kulanadii jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada federaalka soomaaliya oo 10 Kulan gaadhaya la cadeeyey in waxii lagu heshiiyey ka fuli waayeen dhinaca dawlada federalka soomaaliya oo ugu dambeeyay shirkii Djibouti 28,29 Dec 2023.

 

MAXAA HALIS KAGA IMAN KARA JAMHUURIYADA SOMALILAND?

 

Sidii aynu hore u xusnay soomaaliya oo dadka soomaaliyeed ee Gobolka Geeska Africa oo dhan gaadhsiisay qaylo dhaan iyo warbixino been abuur ah oo sababi kara in Gobolka Geeska Africa ay ka dhacaan dagaalo isir iyo waliba dagaalo argagixisadu ku soo qaado jamhuuriyada Somaliland .

 

In Jamhuuriyada Somaliland si walba oo loo hadimeyn karo in ay sameeyaan sida dhamaan siyaasiyiinta soomaaliya warbaahinta la taagan yihiin taasi oo la ogaaday uun cadaawada , cadaadiska iyo nacaybka jamhuuriyada Somaliland u yaalla koonfur oo soo if baxay.

 

La soco...

 

Mohamed Abdi Jama Dhimbiil

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...