Deriskaaga Lama Doortee,Daayinba Ku Siiyee,Miyaad Diidi Karaysaan.

0
Sunday January 21, 2024 - 10:44:26 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deriskaaga Lama Doortee,Daayinba Ku Siiyee,Miyaad Diidi Karaysaan.

    Yaanu Dacar Qadhaiyo,Debaaqiyo Sun Noqono,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yaanu Dacar Qadhaiyo,Debaaqiyo Sun Noqono,


Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

Dagaaliyo Walaalnimo,Doorta Kaad Rabtaano,

Cidna Haw Danayninae,Duulaan Kaydin Qaadan,



Yaanu Dacar Qadhaiyo,Debaaqiyo Sun Noqono,

Dawladaha Aduunyada,Dacwadiinu Yay Teginun,


Danta Lagama Boodee,Durbaanka Iyo Qayladan,

Daaya Hadalka Diifta Leh,Derskana Ha Maagina,


Anagawgu Deeqnayo,Dantayada Ka Aragnaye,

Dalkan Xoog Kumay Iman,Dibna Ugama Tegayan,


Idin Duraantay Dhaaxee,Sowtaad Na Diideeneed,

Dad Aydin Leedahiiniyo,Daayaca Nagu Tilmaanten,


Dabkii Baydin Gaadhayo,Durba Waad Dareenteen,

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...