Bisaddi Iyo Jiirkii Reer Magaalka Ahaa Iyo Wixii Ku Dhacay .Cali biixi

0
Saturday January 20, 2024 - 12:58:02 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Bisaddi Iyo Jiirkii Reer Magaalka Ahaa Iyo Wixii Ku Dhacay .Cali biixi

    Inta ay Waladii bisadii xaggeedii u dhaqaaqday ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta ay Waladii bisadii xaggeedii u dhaqaaqday ..


 

 

 

Abaartii dabadheer ee dalka ka dhacday , ayaa waxa magaalooyinkii soo galay Duurjoogtii yar-yarayd ee ku noolayd miyiga ,


iyaga oo daba socda Reer miyigii caydhoobay ee magaalooyinka soo galay .

 

Hadaba waxa magaaladii yimi WALADII (jiirkii miyiga ) (dooligii) miyiga ) isaga oo abaartii xumayd u adkaysan waayay , wuxuu isyidhi xaggaa iyo magaalada u qadhaab tag , kadib isaga oo meel kuddaafad ( wisijh) ah wax ka faadh-faadhanaaya , ayaa waxa xaggiisii u soo kacday Bisad (reer magaal ah ) oo ka mid ah kuwii magaalada ku noolaa , intay giir iska kicisay oo ay khaakhna tidhi , ayay Waladii (jiirkii reer miyiga ahaa) istidhi u hanjab , iyada oo aad moodaysa inuu yahayJiirkii magaalada .



 

Inta ay Waladii bisadii xaggeedii u dhaqaaqday oo giir iska kicisay,

kii bisadda ka weyn , oo is-buufisay , ayaa Bisaddii baqatay , kadibna bisadii way carartay , iyada oo yaaban oo leh , waar baladu maxay ahayd ?


wuxu muyaanu Jiir ahayn ? sowkii marka uu i arko cagaha wax ka deyi jiray , maxaa dhacay maanta ? muxuu kan aniga i cuni gaadhay ahaa ? .


 

Walooyinkii magaalooyinka soo galay Bisadihii way ka arkaadeen , waddona way ku rideen .

 

Jiirkii Bisaasku eryen jireen ee cuni jereena hiil buu helay , waanu kibray .


 

Hadaba magaalooyinkii waxa iyana soo galay Dinnad dibadeedkii (Bisaddii reer miyiga ahayd), waxaanay gamta u joogsatay Waladii iyo Jiirkii reer magaalka ahaa-ba , weliba waxa gumaad ku dhacay Jiirkii magaalada joogay ee Waladu ka xoreysay Bisaaskii argagixisada ku hayay , Jiirkii ree.


magaalka ahaa waxa uu kala garan waayay Dinnad dibadeedii iyo Bisaaskii magaalada , sidaa awgeed waxa ku dhacay in Dinnad dibadeedii gumaaday gebigiisii-ba .


 

Hadaba kooxaha ismooday in ay -yihiin Wallo ee Bisaaskii reer magaalka ahaa ka bajiyay ,

ha ogaadeen in Dinnad dibadeedkii ka daba-timi oo aanay jirin cid ka celin doonta ,


oo aanay jirin meel ay kaga badbaadi karayaan .

 

Bisaaskii reer magaalka ahaana , guryihii dadka ayay ku yaaceen oo galeen , waxaanay ag-fadhiisteen Dumarkii , ilaa iyo maantana Bisaaska magaalooyinka jooga dumarka kama ag-fogaadaan .

Hadaba layska daba yimiye , maxaa la yeeli doonaa ?


 

Hadama M.biixawlaascaanood ayaad weeraraysay. Ee iminka Hargeysa ayaa laysugu yimi , oo layska weerarayaa adig iyi sirdoonkaaga leexsan iyi cid kasya oo ku taageersan.

Ee maxaad yeeli doontaa?

Hargeysa waa laysugu yimi .

 

 

Calibiixi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...