Tigaadi Iyadaa Laacda: Mareeye Raage Wuxuu Muujiyey Dadaal

0
Sunday July 07, 2019 - 08:56:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tigaadi Iyadaa Laacda: Mareeye Raage Wuxuu Muujiyey Dadaal

    Wuxuu xilka la wareegay January 20, 2019 waxa laga joogaa Shan Bilood iyo Shan iyo Toban Casho,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu xilka la wareegay January 20, 2019 waxa laga joogaa Shan Bilood iyo Shan iyo Toban Casho,

haddaba maxaa u qabsoomay Maareeyaha cusub muddadaas uu xilka hayey, ma jecli in aan noqdo qof been ku marag fura oo wax aan jirin ummada u sheega laakiin waxa aan jeclahay qayb yar oo ka mid ah wixii  qabsoomay in aan bulshada u si kor ka xaadis ah ula wadaago,



Siday Ahayd Xaaladda Madbacadda Qaranku Markii uu Xilka La Wareegay

Inkasta oo Maareeyihii ka horeeyey uu sameeyey wax badan oo lagu xasuusto taariikhduna ka marag furi doonto haddana, dhamaadkii muddo xilaadkiisa xaaladdu waxay ahayd mid adag oo cakiran, shaqaaluhuna waxay lahaayeen saddex bilood oo mashaharooyin ah, waxa dayactir la’aan u fadhiyey badiba mashiinada daabacaadda, waxa intaa dheeraa duruufo wada shaqayneed iyo go’doon ay Madbacadda Qaranku kaga jirtey dawladda dhexe.


Haddaba Muxuu Soo Kordhiyey Maareeyaha Cusubi

Nasiib wanaag, waxa uu isla maalintii xilka uu lawareegayba bilaabay dardar gelin shaqo isaga oo shirar xogogaal u noqosho ah la galay maamulka iyo shaqaalaha farsamada intii muhiimka u ahayd dhaqaajinta  shaqada , waxa uu ogaaday caqabadaha jira ka dib waxa uu qaaday talaabooyinkan oo noqday kuwo la mahadiyey soona celiyey rajadii shaqada iyo shaqaalaha.


1.   Waxa dib u qiimayn lagu sameeyey mashiinadii dayactir la’aanta u fadhiyey intii suurto galka ahaydna waa la kiciyey oo la hawl geliyey


2.   Waxa la qabtay shirar isdaba joog ah oo qaarkood ka dheceen hudheelada waawayn ee magaalada qaarkoodna hoolka shirarka ee madbacadda qaranka shirarkaas oo Maareeyaha cusubi uga gol lahaa in lagu sameeyo qorshe bud dhig u noqda laba kaclaynta cusub ee uu maaganaa ama maankiisa ka dhex guuxaysay


3.   Waxa soo baxay qorshe balaadhan oo lagu ururiyey baahiyaha Madbacadda Qaranka iyo sidii looga bixi lahaa taas oo uu la wadaagay xafiisyadii dawladda ee ay khusaysay

4.   Waxa uu bixiyey mushaharooyinkii shaqaalaha ee ka soo wareegay 2018-ka  iyo bishii January ee sanadkan oo noqonayey saddex bilood mushaharkood. Waxaana si caadi ah ku soo noqday helitaankii mushaharka shaqaalaha.

5.    Waxa uu diyaariyey qorshe horumarineed oo baaxad leh "development plan”

6.   Waxa uu soo iibiyey hal mashiin oo cusub kaas oo si deg deg ah u bilaabay shaqadiisii

7.   Nasiib wanaag waxa uu abuuray saaxiibo cusub iyo daneeyayaal diyaar u ah dib u dhiska Madbacadda Qaranka.

Si fudud u dhaqaajinta hawlaha shaqo ee Madbacadda Qaranka waxa ka saaciday sooyaalkiisii shaqo ee isugu jirey midka maamul iyo midka siyaasadeed ee uu muddada nus qarniga ka badan ku soo dhex jirey

Ugu danayn Madaxweynah waxa aan ugu hambalyeynayaa in uu soo magacaabay masuul haddii shaqada lagu ilaaliyo waxna lala qabto wax badan oo isbedel ah u horseedi doona Wakaaladdan  xudunta dhaqaale iyo ta amni u ah qarankeena.

 

 

Qalinkii: Abdirashid M. Warfaa

Hargeysa, Somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...