Soomaaliya Wasiirka Arrimaheega Dibadii Masidaasuu Eber U Yahay.

0
Sunday July 07, 2019 - 08:47:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Wasiirka Arrimaheega Dibadii Masidaasuu Eber U Yahay.

    Marka aad maqashaan jamhuuriyadda curdinka ee somaliland ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka aad maqashaan jamhuuriyadda curdinka ee somaliland ,
waxa maskaxdaada kusoo dhacaya dal tagay,horumar qabsaday misna tallaabsaday oo nidaam iyo systemana hirgaliyay. waana sidaa uu  qof waliba dareemi karo.

Wasiirka afka ee arrimaha dibada soomaaliya ee la yidhaahdo mr cawad, waxa uu horta ku dhaqaaqay tĺĺallaabooyin wada faashila oo bisayl siyaasadeed ka muuqan aqoon diblumlomaasiyadeed iyo cilmigeedana haddalkeedaba daa!!.



Wuxuu yidhi waxaan xidhiidhka u jaray waddanka ginea croncry ,waaba hadday xidhiidh wada lahaayeenee goortii la wayddiiyay oo lagu yidhi ma safaradaad wada lahaydeen ,waxa uu ku jawaabay maya haddana wuxuu muujiyay haddana waa waddan afrika ka mida kollay xidhiidh wuu naga dhaxeeyaa!!! hh soomaalibaa tidhaah ilaahow haa iyo maya ha inagawada siin!!

Taasi waxay muujinaysaa sida siyaasada khayr iyo farmaajo ugu  muuqato fidhiidh iyo mid illowday wixii loo doortay ,taas oo iska indho tiraysay fashilka iyo wax qabad la'aanta toos uga muuqata guudka iyo xaalada ummadda soomaaliyeed.

Annigu waxaan odhan lahaa hal madaxweyne ugu macquulsanaa ee  soo maray soomaaliya  tan iyo intii la aasay dawladii ku meel gaadhka ahayd ee carta lagu unkamay kasoo billow abdiqaasim illaa hadda.

Madaxweynahaasi wuxuu ahaa sheikh shariif sheikh ahmed .oo layara fahmi karayay runtii nabad badan u keenay muqdisho .

Haddaba xukuumadan haatan tallada haysaa ee jamhuuriyadda somaliland waxay samaysay guulo badan .oo uu horumood u yahay wasiir faratoon kaas oo maanta bilada weyn ku sida waxbadan u kor u qaaday.

Xukuumada farmaajo waxay u baahantahay inay iyagu dib iskugu noqoto oo isasaxado taasbaana  u habboon.

Somaliland waa qorrax ,qoraxdana ciddii sacabada ku qarin karta waa ayyo.?

Xaasidnimadu waa camalka shayddaanka waayo ibliisba xaaasiday aadam sidaasuna qof kastoo wax xaasidaa sifahaasi u qaataa

Si walbay ahaataba Somaliland waxay u eegtahay dal guulaystay .

Hamse riiraash


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...