Somalilaandeey maxaa Yuhuudda xagjirka ah ka dhigay kuwa inoo ololeeye

0
Wednesday January 17, 2024 - 10:51:35 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalilaandeey maxaa Yuhuudda xagjirka ah ka dhigay kuwa inoo ololeeye

    Dawladda Somaliland waxuu ka qaataa Mushahar...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Somaliland waxuu ka qaataa Mushahar...



Waxaan muddo la yaabanaa xidhiidhka ka dhexeeya dawladeena iyo xagjirka Yuhuudda. Waxa ololaha hadwaba halka hore kaga jira waa duul aan wanaag kula rabin bal se fikirkoodu aad u fog yahay oon sideena eegin waxa maant taagan bal se ka arrimiya boqolaal sano.


 

Waxa cad in rag badan oo kow ka yahay Michael Rubin bal gal Twitterkiisa @mrubin1971 Waad yaabi doontaa cadaawada uu u hayo Muslimiinta kuma kooban Falastiin cid kasta oo Muslim ah sida Qadar, Turkiga, Pakistan, Malaysia, South Africa Xitaa Latin America iyo cid kasta oo uu u arko inay Fxaq ku hadlayso wuu colaadiyaa siyaaro boggiisa oo akhri waxuu aaminsan yahay.



 

Dawladda Somaliland waxuu ka qaataa Mushahar joogto ah. Haddaba waxaan is weydiinayaa inay ka war qabaan hawsha iyo summacdda uu leeyhay iyo ujeedadiisa fog oon hubo inuu fulinaayo dano Yuhuuddu leedahay oo inaga qarsoon, sida Carabtana ay mar inagu qarxi karta.


 

Ogow dalalka Carabta in muddo yar laga dhex toosay meel ay ka soo qabtaana ayna haynin. 3 Nin oo kale ayaa jira oo la mid ah Rubin.Waxa ka mid ah Dr. J Peter Pham oo Africa caan ku ah la shaqaysiga madaxda musuqa ku caanka ah.


Kolna ma diidani inaynu yeelano cid inoo hadasha waa waajib, laakiin waa inaynu la soconaa waxay aaminsan yahay iyo ujeedadooda.


Arrimaha debeddu waa xasaasi waxayna u baahan yahay taxadir iyo xuuraan cidda aynu adeegsanayno iyo cidda ina adeegsanaysa. Somaliland waa dal xor ah oo dadkiisu jecel yihiin xoriyadda iyo diinta Islaamka waa in labadaas laga ilaaliyaa in la il duufo.

Somaliland ha noolaato

Ali Jama

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...