Haddi Warqadani Ay Ka Soo Baxday Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada Sare Waxy Lagjab Ku Tahay Cadaalada..W/Q Garyaqaan Wali Axmed Adem

0
Saturday July 06, 2019 - 21:22:50 in Articles by
  • Visits: 2773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddi Warqadani Ay Ka Soo Baxday Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada Sare Waxy Lagjab Ku Tahay Cadaalada..W/Q Garyaqaan Wali Axmed Adem

    Haddi Warqadani Ay Ka Soo Baxday Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada Sare Waxy Lagjab Ku Tahay Cadaalada..W/Q Garyaqaan Wali Axmed Adem

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddi Warqadani Ay Ka Soo Baxday Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada Sare Waxy Lagjab Ku Tahay Cadaalada..W/Q Garyaqaan Wali Axmed Adem


Haddii warqaddani ay ka soo baxday Xafiiska guddoomiyaha maxkamadda sare waxay lafjab ku tahay caddaalada SL, waxa hore u jirtay in guddoomiye Adam Haji Ali uu hore maalin dhawayd kaligii wax ka bedel ku sameeyey guddoomiyeyaasha maxkamadaha degmada iyo gobolka M/J.

No photo description available.


Haddaba waxaanu ummadda u sheegaynaa awoodda magacaabidda, eryida, dalacsiinta iyo hoos u dhigidda garsoorayaasha hoose in ay leeyihiin guddida caddaaladdu,, guddidaas sastuuriga ah oo xay ahna haddii guddoomiyuhu garsoore magacaabo ama uu maxkamadaha hoose wax ka bedel kaligii ku sameeyo waa dastuurkii dalka oo la inqilaabay. ( Eeg xeerka nidaamka garsoorka Xr/lr24/2003 oo dhaqan galay 2008).


Ta ka sii daran ayaa ah, warqaddan hoose waxa uu guddoomiyuhu u cuskaday magacaabiddan xeerkii nidaamka garsoorka ee Somalia ee 1962-kii kaas oo khaayisay oo uu xeerkeenaas aan sare ku xusay uu meesha ka saaray ( Xr/Lr24/2003).


Inaad xeerkii aynu badalnay adeegsato iyo inaad calanka Somalia suuqa dhexdiisa ruxdo waxa xun ta hore, calanka iyo xeerkaasba waxaynu ku badalnay qaab sharci ah lamana isticmaali karo, lkn la jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaan ummaddu aqbali mayso.

Waaxda garsoorka gaar ahaan maxkamadda sare waa tiriiga u weyn ee caddaaladeed lkn haddii qoraalo noocan ahi ka soo baxaan waxay ummadda u noqonaysaa in caddaaladii SL dhimatay meel loo ciirsadaana aanay jirin.

Mahadsanidiin.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...