Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Dadka Somaliland Lagu cunsiradaynayo Muqdisho.
"markey sidaa tahay waxan u baaqayaa inay isaga soo baxaan "
Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Sheegay in magaalada Muqdisho lagu Cunsuriyadaynayo Dadka Soo Jeeda Somaliland looguna Hanjabayo inaanay Halkan U Dhalan ee ay Tagaan Dalkay u Dhasheen.
Gudoomiye Faysal oo Arintaasi ka Hadlaya Wuxuu Yidhi
"Waxa i soo gaadha’ya warar ah dadka hayb ahaan ka soo jeeda reer Somaliland in lagu handadayo laguna cunsiradaynayo magaalada Muqdisho, markey sidaa tahay waxan u baaqayaa inay isaga soo baxaan kuna soo noqdaan dalkooda,Dawlada arinta gacan ha ka gaysto. Samaxadna ha u fiidiso.”
Intii ay xukuumada Muuse Biixi heshiiska Is-fahan ee badda la gashay itoobiya waxa kordhay eedaha Somaliland iyo Somaliya ay isku marinayaan warbaahinta.
Loading...
Loading...