Sheekadii dhex martay :Nebi Saleebaan iyo Shimbirtii . (M.biixi ma sheydaankaa ku shaqeysta?)

0
Tuesday January 16, 2024 - 16:46:18 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 743
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekadii dhex martay :Nebi Saleebaan iyo Shimbirtii . (M.biixi ma sheydaankaa ku shaqeysta?)

    Markii ay ka tageen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ay ka tageen

Shimbir ayaa haraaday , iyada oo meel Biyo leh joogta, oo isleh ka cab Biyaha.
Xiligaana caruur yar-yar ayaa ku ciyaaraysay Biyaha.
Way iska sugtay intii ay ka tegeyeen.

Markii ay ka tageen
ayaa waxa halkaas ka soo baxay Nin gadhweyn oo u eg in uu yahay, qof dhawrsan oo wanaagsan.


Shimbirtii waxay istidhi: kanu waxba ku yeeli maayo, ee Biyahaaga iska cab.

Ninkii Dhagax ayuu ku tuuray, oo inta ay isha kaga dhacday, ayay shimbirtii il beeshay.
Kadibna Shimbirtii Nebi Saleebaan (cs) ayay u ashtako tagtay, oo uga warantay Ninkii isha ka riday.

Nebi Saleebaan (cs) ayaa Ninkii u yeedhay oo waydiiyay: maxaad Shimbirtan dhagaxa ugu tuurtay ee aad isha uga riday? Maxaad ka doonaysay ee aad ka rabtay?
Waxa uu Ninkii ku jawaabay: waxba kama rabin.
Nebi Saleebaan (cs) ayaa amray Ninkan in il laga rido.

Shimbirtii baa tidhi: yaa Nebiyu allaah: il ha ka ridin, ee gadhka ka xiir,
waayo? Gadhkiisaasaa i qalday
Ee yaanu mar danbe dad kale qaldin gadhkiisaasu ee ha laga xiiro.

Hadaba maxaa qof xun ku dhuumanaaya gadh iyo iswanaajin oo metelaaya
Oo laakiin ficilka sheydaanka leh oo ah sheydaan wadaad u eg .

Markaa dadka ha ku xukumin sida ay u egyihiin iyo waxa ay gashan yihiin .

Hadaba M.biixi waxa ku jira sheydaan metelaaya in uu yahay madaxweynihii dalka .
Laakiin shaydaan ayaa ku shaqeysta oo uu u sheqeeyaa, oo ficilkiisa iyo hadalkiisa oo dhami, * waa ficil sheydaan) .

Cali Biixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...