Qisada Aasiya waa mid xanuun badan, waana qaddar Alle oo ay tahay in uu qof walba ku sabro!
Maalmo kadib geerida Ayeeyo qoyska Aasiya..
![]() |
Alle SWT naxriistiisa janno haka waraabiyo Aasiya oo ah gabadhaan idiin muuqata waxaa 23 kii Dec 2023 aroos loogu dhigay magaalada Dooloow ee gobolka Gedo.
Inta lagu guda jiray maalinta koowaad ee dabaaldegga farxada arooskeeda waxaa geeriyootay AUN ayeeyadeed oo Hooyadeed dhashay, waxaana uu jawiga maalintaas isku beddelay murugo iyo tacsi.
Intii safarka Dooloow iyo Kenya la guda jiray waxaa shil aad u xooggan galay gaariggii ay saarnaayeen Aasiya iyo Habaryarteed, waxaana halkaas ku geeriyootay Habaryar oo u galbineysay hoygii ay ku aqal geli lahayd iyo dhowr qof kale oo rakaabkii gaarigga ka tirsanaa.
Si taas la mid ah Aasiya waxaa shilkaan gaari kasoo gaaray jug aad u xooggan, taas oo sababtay in uu dhiig kaga furmo maskaxda waxaana la geeyay isbitaal ku yaalla waddanka Kenya si xaaladdeeda caafimaad loo dabiibo.
Maalmo kadib shilka waxaa lagu sameeyay qaliin Aasiya waana lagu guuleystay sida ay dhakhaatiirtu sheegeen, waxaana Alle SWT uu qaddaray in saakay uu oofsado Aasiya oo ah gabadha qisadaan aadka u xanuunka badan la kulantay.
Alle SWT naxriistiisa janno haka waraabiyo gabadhaas Soomaaliyeed, sabar iyo iimaana haka isiiyo seygeeda iyo ehelkeeda intaba.
Cali Aadan Muumin.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...