Suldaan Dhawal Oo La Sumeeyay

0
Monday January 15, 2024 - 11:12:15 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Dhawal Oo La Sumeeyay

    Hase yeeshee Deggaanada Awdal waxaa la tabey Suldaankii..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hase yeeshee Deggaanada Awdal waxaa la tabey Suldaankii..


Ka dib dhacdooyinka siyaasadeed iyo cadhada ka dhalatay Heshiishkii Muuse Biixi dhulka reer Awdal ku iibshay, waxaa dhulka soomaliyeed iyo qurbahaba ka socda kacdoono lagaga soo horjeedo heshiishka dhagarta ah. Gobolada galbeedka Somalia ee Awdal iyo dhamaan dhul-xeebeedka magaalooyinka ku teedsan banaanbaxyo ayaa lagu cabiray sida heshiish ku sheegaa looga soo horjeedo.



Hase yeeshee Deggaanada Awdal waxaa la tabey Suldaankii ugu saamaynta badnaa ee hogaanka dhaqanka Gadabuursi ahaa, waa Suldaan Cabdiraxmaan Jam Dhawal oo la maqal tan iyo intii arinkani soo shaac baxay iyo dhowr bilood oo ka horaysayba. Waxaa lays waydiiyay halkuu ku sugan yahay Suldaan Dhawal. Markii arintaa lagu foorarsadayna waxaa soo baxdey in Suldaan Dhawal muddo lix biloodba dhakhtar Hindiya ku yaal inuu jiifo isagoo la tacaalaaya xanuun ku soo boodey. Waxaa laysla dhex marayaa warar dhiilo leh oo shiki leh. Waxaa loo badinayaa in Suldaanka la sumeeyay. 


Waxaa farta lagu godayaa in sumaynta suldaan Dhawal dawladu ku lug leedahay. Waxaa la xasuusan yahay in Suldaan dhawal iyo Muuse Biixi xidhiidhkoodu go’ay 2020 markii Biixi ka horyimid ajandihii saami-qaybsiga ee Suldaan Dhawal xambaarsanaa. Arintaas oo keentay in Biixi iyo canaasiir u adeegtaa rasaas ku furaan Ugaaska Gadabuursi oo damacsanaa inuu u soo gurmado labadii suldaan ee saamiqabsiga riixaayay oo kale ahaa Suldan Dhawal iyo Suldaan Ibrahim J Samatar(AHN). Suldaan Samatar laftiisu si’ kadis ah ayaa loogu qaadey Turkiga halkaana waakii ku geeriyoodey. Suldaan Dhawal oo da’ ahaan weyneyn caafimaad ahaana wax xanuuna lagu ogayn waxaa lala yabay sida kadiska ah ee Suldaanku xanuun la fahmi waayay ugu soo boodey.


Dadka arimada Somaliland u dhuun daloolaa waxay tuhunsanyihiin in xukunka Muuse Biixi ku lug leeyahay sumaynta Suldaan Dhawal oo dhacdey markii la diyaarinaayay ficilada Oromo dhulka lagu soo dajinaayo iyo iibka dhulka iyo badda Awdal. Intuuna heshiiska saxeexin, Biixi wuxuu ka sii shaqeeyay labo arimood. Marka hore, wuxuu ka sii shaqeeyay inuu ka sii hortago khataraha kaga iman kara xagga Gadabuursiga iyo Awdal. Qodobka labaad ee ay isku dayeen waa isku dirka Ciise iyo Gadabursi si’ loo diciifiyo awooda labadaa reer oo la sii garanaayay inay ajandaha Biixi ka hor iman karaan. Qodobkaa dambe si’ degdeg ah ayuu u fashilmay, Suldaan Dhawalna waxaa la sheegayaa inuu caafimaad ahaan soo roonaanayo. Sidaas-na waxay u eegtahay in mu’aamaridii korneelada Hargeysa ay fashilmeen. Waxaa cad in ku-talagalkoodii daarnaa in qorshahoogii ahaa in saaxada laga saaro Suldaanka kaliya ee ka hor iman kara qorshaha Biixi & Abey Axmad, waana Suldaankii u horeeyay ee 2010 kii ku dhawaaqay baroordiiq sanad leh in loo sameeyo shuhadadii SNM ku gumaadey Awdal bishii February afarteedii, 1991 kii. Allah ha caafiyo Suldaan Dhawal.


Garbo-dadar, Jan. 11, 2024

Suxufi Nuuriye

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...