Kornayl Maxamed Kaahinow Beentaada hore Runtaada danbay dishaa!.

0
Monday January 15, 2024 - 11:07:08 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kornayl Maxamed Kaahinow Beentaada hore Runtaada danbay dishaa!.

    Waxa kalaynu ogayn dagaalkii lagu qaaday shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa kalaynu ogayn dagaalkii lagu qaaday shacabka



Beri ayaa Wiil tuulo adhiga u raaci jiray oo Cumar la odhan jiray, ayaa mudo wuxuu adhiga raacaba Maalintii danbe ayuu been bilaabay si uu uga toocsado ama ka xaraabaysto dadkii tuulada ee uu adhiga u raacaayey, inta uu qaylo ku dhufto ayuu kor ugu dhawaaqay, Waar hayaay dacawooyin ayaa Xoolihii soo weeraray ee kaalaya ka rida!, saa lagusoo cararay mise waa beentii.



 

In mudo ah ayuu kolba bahal sheegaa Mar Yey, Waraabe, Shabeel iwm, mise waa waxba kama jiraan,

 

Maalintii danbe ayey raxan Libaaxyo ahi soo weerareen, suu qaylo ku dhuftay waar hayaay Waar waa Libaaxyo ee Aniga iyo xoolahaba naga soo gaadhay!, say dadkii tuuladu yidhaahdeen hodhodho! Maantana ma Libaaxyo ayuu keenay?, say ciddiba u bixi weydey oo wiilkii Cumar beenaale iyo xoolihiiba Libaaxyadii cardaaduqaha ka dhigeen.


 

Waxaan uga socdaa Wasiirka arimaha gudaha Jamhuuriyada Barakaysan Kornayl Maxamed Kaahin Axmed waxa uu caadaystay in uu warbaahinta lasoo hor istaago ama lasoo hor fadhiisto isaga oo sheegaaya argagixiso!, waxa aynu ogayn Maalintii Xisbiyada qaranku iclaamiyeen mudoharaadka salmiga ahaa ee ay shucuurtooda ku muujinaayey, waakii Kornayl Maxamed Kaahin habeenimadii saqbadhkii lasoo oogsaday argagixiso ayaanu qabana! Xamar ka timid!, ee laydhkii iyo war isgaadhsiinta la jaray subaxiina shacabkii dareenkooda cabiraayey xabada lagala daalay!, Argagixisadii uu sheegaayey Kornaylkuna maxkamad iyo Jeel lageeyo daaye Cid aragtay aanay jirin.


 

Waxa kalaynu ogayn dagaalkii lagu qaaday shacabka reer Sool, waatii uu Kornaylku misna sheegey in Argagixiso ay Sool ka dagaalamaayaan hase yeeshee Hal qof oo argagixiso ay ku sheegaan oo layidhi waakan majiro!.


 

Kornayl Maxamed sidii caadada u ahayd markale hadana wuxuu inala soo hor kuududsaday in argagixiso Koonfur inagaga imanayaan waa sida hadalka Kornaylku u dhignaaye, waxa kale oo hadalka Kornaylka ku marnaa ama ku hoos jiray Hadalo sal iyo raad lahayn oo runta baal marsan oo dadka wax magaratada ah lagu majaro habaabinaayo, oo ahaa Xamar waa cadawgeena oo maaha dad aanu wax iskunahay!, halka Xabashi aynaan isku Af, Diin, Dhaqan iyo Taariikh ahayn oo weliba xabashi ku goodiyaaya in uu tab ama Xoog ku qaban doono qoorigeena khayraadka iyo taariikhdu ka buuxdo, se Nasiibdarada jirta shacabka la doonaayo in lagu shubo waa dad, aad isxigtaan oo abaal idinku leh!, hada waa Xabashigii Dhulka iyo Dadku inagaga maqnaa iyada oo Isticmaarkii aduunku Dabar go'ay oo Cid walba ciidoodii Dib u Hantiyeen ayey Soomaali-galbeed iyo Hawd iyagu weli haystaan, oo Dhulkeenaa iyo dadkeenaasi yihiin dad weli qarnigan 21aad la isticmaarsado.


 

Halka Koonfurta Dhulka Hooyo laga dhigaayo inay gaalo yihiin hada waa dad aynu isku Af, Dhaqan, Hide, Hayb, Diin iyo Taariikh nahay, oo Dib u xorayntiina laba is garabsaday oo SNM iyo USC la’ahaa, hase yeeshee Kornaylada horjoogayaasha inoo ahi waxay doonayaan inay shacabka ka dhaadhiciyaan Xabashigan Macatabad sita ee Guraan ayaa idinka xiga Xamar!, Taasina waa HODHODHO! se hubaal Kornayl Maxamed Kaahinow lagu baray ee is barbari, midna ogow Beentaada hore Runtaada danbay dishaa.


 

Beeni raad maleh!

 

Khadar Hooyoley (Fartaag)

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...