Qeylada Taagani Maaha Soomaali Jaceyl Ee Waa Werwer Iyo Laga Aqoonsiga Somaliland

0
Monday January 15, 2024 - 10:50:16 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qeylada Taagani Maaha Soomaali Jaceyl Ee Waa Werwer Iyo Laga Aqoonsiga Somaliland

    Runtu waxa ay tahay waxaa arimaha taagan si toos ah..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Runtu waxa ay tahay waxaa arimaha taagan si toos ah..



Heshiiskii is faham Jamhuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada federaalka Ethiopia ku galeen Addis-ababa 01-01-2024 waxa uu badelay guud ahaan xaaladihii siyaasadeed ee gobolka Geeska Africa waxaana bilaabmay ololeyaal Jamhuuriyada Somaliland ka dhan ah.


 

Haddaba dagaalka iyo ololaha lagaga soo horjeedo aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland yaa wada ? Maxaa mawduuca loo duwayaa ee dadka soomaaliyeed loo marin habaabinayaa oo loo leeyahay dhul soomaaliyeed baa la bixinayaa ?



 

Runtu waxa ay tahay waxaa arimaha taagan si toos ah iyo si dadbanba u wada dawladaha deriska ee maamulka Muqdisho ka mid yahay iyo dawlado ka werweraya mustaqbalkooga hadii jamhuuriyada Somaliland la aqoonsado , iyaga ayaana abuuraya in la duwo ujeedada oo dadka soomaaliyeed been loo sheego oo la yidhaahdo bad baa la iibinayaa.


 

Waa marka labaad e dadka soomaaliyeed ma jiro dhul isugu jiraa oo marka horeba waxa ay ku kala nool yihiin 5 dawladood ee ku yaalla Bariga Africa ; Kenya , Ethiopia, Djibouti, Somaliland iyo Somalia , sababta caadifada iyo buuqa loo sameynayaa waa cadaawad iyo Somaliland nacayb.


 

Aan idin xasuusiyo e Geeska Africa waxaa ku yaalla 11 saldhig oo ay joogaan ciidamo ajaanib ahi dhamaantoodna waa laga kireeyey dhulka iyo badaha ay degen yihiin ( lease), saldhigyadaasi 7 todoba ka mid ahi waxa ay ku yaalaan dalka Jamhuriyadda Djibouti oo kireeyey waxaana ka soo gala $300 million sanadkii sida uu sheegay macadka IIS , waxaa ugu waaweyn labada saldhig ciidan ee maraykanka oo kiradiisu tahay $60 million iyo China $20 million ah.


 

Dalka Erateria waxaa ku yaalla laba saldhig ciidan waxaana la filayaa in Russia iyo China ay iyaguna ka sameystaan saldhigyo ciidamo sanadaha inagu soo fool leh oo labadaba uu madaxweyne Afawerki heshiis dhow la sameeyey sanadkii ugu dambeeyay.


 

Dalka soomaaliya waxa ku yaalla 3 saldhig ciidamo oo uu ugu horeeyo saldhiga ciidamada ee qaarada Africa ugu weyn oo ay ku leedahay dawlada Turkey, sidoo kale dawladaha maraykanka iyo imaratka ayaa iyagana ay ciidamo ka joogeen, Qatar baa si dadban u joogta, intaasi waxa dheer waxaa ku sugan ciidamada Atmis oo go'aanka midowga Africa ku jooga , ciidamo badan oo Ethiopia leedahay iyo kuwa Kenya oo labaduba sifaha ay ku joogaan yihiin in ay dalalkooga khatar u gudubta ka hortagayaan.


 

Dalka Kenya waxaa saldhigyo ciidamo ku leh dawlada boqortooyada ingiriiska iyo dawlada maraykanka oo iyaguna waxa ay ku noqonanayaan 13 tiradii aynu haynay , dhamaan wadamada aynu soo sheegnay waxaa saldhigyada ciidamada ee ka sameysani yihiin kiro ( lease ) midowga Africa ( Au ) way og yihiin in wadamo badani dhaqaale iyo shaqo abuur ka heleen hawlahani inkasta oo aanay marnaba jeclayn in dawlado shisheeye joogaan qaarada.


 

Haddaba muxuu kaga duwan yahay saldhiga ciidamada ee Jamhuuriyadda Somaliland heshiiska is-faham kula soo gashay dalka Ethiopia oo ah dal African ah , oo raba in uu sida wadamada kale ugu joogaan marin biyoodka bada-cas iyo gacanka cadmeed in ay iyaguna u joogaan ?


 

Isku soo wada xoori waxa kaliya ee laga qaylinayaa waa aqoonsiga jamhuuriyada Somaliland oo ku taalla bugcad istaratiji ah ( strategic position) oo aduunku aad u danaynayo , dalalka qaar waxay u werwerayaan in wadamadoodu dhaqaale beelaan ama dalalka ay ka kireeyeen saldhigyada iyo dekaduhu ka soo guuraan , halka soomaaliya ay si indho la'aan , lexojeclo xumo iyo is-xumeyn ah dadkeega warar been abuur ah ugu sheegayso aduunkana qaylo dhaan ugu dirayaan , inkasta oo sharciyan iyo xaqiiqo ahaanba aduunku yaqaano Jamhuuriyada Somaliland in ay 32 sanadood ahayd jamhuuriyad madax banaan.

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...