Musharraxa Somaliya Ee doorashada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Oo la Shaaciyay

0
Monday January 15, 2024 - 07:08:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharraxa Somaliya Ee doorashada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Oo la Shaaciyay

    "Xildhibaan Fawzia Yusuf Haji Adam, ay ku matali doontaa dowladda Soomaaliya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xildhibaan Fawzia Yusuf Haji Adam, ay ku matali doontaa dowladda Soomaaliya"








Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xildhibaan Fawsiya Yusuf Xaaji Aadan u soo xulatay musharraxa Soomaaliya ee tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.


"Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee xoojinta doorka aan ku leennahay Ururada Caalamiga iyo kuwa Gobolka, ayaa waxaa Xildhibaan Fawzia Yusuf Haji Adam, ay ku matali doontaa dowladda Soomaaliya tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) ee Sanadaha 2025-2028." ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaliya.


Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyo Ra'isul Wasaare ku xigeen hore, Fawsiya Xaaji Aadan oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, aheyd gabadha kaliya ee ka qeybgashay doorashadii ugu dambeysay madaxweynaha Soomaaliya.
Loading...
Loading...