Xukuumada Somaliland Oo Xidhay Saxafi Ka Tirsan Universal Tv.

0
Sunday January 14, 2024 - 21:03:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Xidhay Saxafi Ka Tirsan Universal Tv.

    "Weli Xukuumada Somaliland kamay hadal xadhiga saxafigan "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Weli Xukuumada Somaliland kamay hadal xadhiga saxafigan "


Hargaysa (HWN)Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga utaxaabtay Wariye Cabdirashiid Cabdiwahaab oo ka tirsan Tv-ga Universal.



Weli Xukuumada Somaliland kamay hadal xadhiga saxafigan iyo sababta ay uxidhay.


Xadhiga Saxafigan waxa cambaareeyay Ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA oo qoraal uu baahiyay ku sheegay in uu ka xunyahaya xadhiga saxafiga oo ka tirsanaa hogaanka sare ee ururka Saxaafada Somaliland ee SOLJA. 


"Ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu aad uga Xunyahay Xadhiga Wariye Cabdirashiid Cabdiwahaab oo ka mid ah Hogaanka Sare ee Ururka SOLJA oo maanta lagu xidhay Magaalada Hargeysa, Waxaanu Ururku ku baaqayaa si deg-deg ah Xorriyadiisa loogu soo celiyo isaga Wariye Maxamed Cabdi Sheekh maalintii 9aad Xidhan"


Xadhiga saxafigan ayaa ku soo beegmaya xili wariye Maxamed Ilig iyo Saxafi coldoon ay uxidhanyihiin xukuumada Muuse Biixi, taasi oo ilaa hada aan sicad uga hadal waxa sababay xadhiga saxafiyiintan.
Loading...
Loading...