Xildh. Maxamed Abiib Oo Gef Ku Tilmaamay Maxkamada Ciidan Ee La Horgeeyay Saxafi Ilig.
"lana gaadho in la samaysto maxkamad la mid ah tii Badbaadada ee Soomaaliya"
Hargaysa (HWN)Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay maxkamad ciidan oo lasheegay in saaka la horgeeyay Saxafi maxamed Ilig.
Xildhibaanka ayaa usoo jeediyay xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland inay difaacaan shacabka soo doortay, isagoo sheegay in Maxkamada Milateri in lageeyo shacabka ay gaf ku tahay dastuurka Somaliland , sida uu xildhibaanku ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.
"Maxkamad Milatari in suxufiyiin iyo dad kale oo shacab ah la geeyaa waa arrin gef ku ah Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka.
Sidoo kale waxa ay ka soo hor jeeddaa nidaamkii siyaasadeed ee ay ummaddani ku heshiisay, kaas oo ah nidaam dumuqraaddi ah oo uu hannaankiisa garsoor cad yahay.
Haddii aynaan maanta hor joogsan habkan cusub ee bilaabmay, waxa iman doonta maalin ay qof walba saamayso, lana gaadho in la samaysto maxkamad la mid ah tii Badbaadada ee Soomaaliya oo sida aan ku maqalnay ahayd maxkamad dadka sarajoogga iskaga xukunta.
Dhammaan mudanayaasha golaha Wakiillada, waxa aan u soo jeedinayaa in ay difaacaan xuquuqda shacabka ee ay shuruucda xeerarka dalku siiyeen." ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Abiib
Loading...
Loading...